Gabadh ka tirsan ciidanka booliska Maraykanka ayaa waxay baskoolad la raacday diyaarad iyadoon la ogayn

 

Haweenay ka tirsan booliiska Maraykanka oo ku jirtay fasax ayaa iyadoo baskooladeedii ku wadata boorsada gacanta ka duushay garoonka caalamiga ah ee Los Angeles, iyadoo ku sii jeeday Taiwan.

Qalabka baadhitaanka ee garoonka ayaan qabanin baskooladda, Noell Grant ayayna u xaqiiqawday in ay baskoolada wadato markii ay damacday in ay diyaarad kale ka raacdo Taipei.

Masuuliyiintii garoonka ayay ku wargalisay waxaana laga hor istaagay in ay ka baxdo Taiwan inta arrintaas xal looga helayo.

Saraakiisha faderaalka ee Maraykanka ayaa qirtay in aan si wanaagsan loo raacin nidaamkii ammaanka ee garoonka LAX.

Nico Melendez oo ka tirsan masuuliyiinta waaxda maamusha ammaanka gaadiidka Maraykanka oo warbaahinta la hadlayey ayaa wuxu yidhi:

โ€œMasuuliyiintu ma aysan raacin nidaamkii garoonka u dajisnaa, askariyadduse si sax ah ayay u martay goobaha lagu baadho ammaanka ee garoonka.”

Wuxuu hadalka sii raaciyay in dadka masuuliyiinta ah si munaasab ah loola xisaabtami doono.

bandhige@gmail.com