Gabiley oo qado-sharafeed ku sagootiday weftigii Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Maamulka Gobolka Gabiley, gaar ahaa Duqa degmada Gabiley Maxamed-Ammiin Cumar-Dheere. Weftiga ayaa lagu qaabilay guriga martida ee Gabiley waxana loo sameeyey qado ay ka soo qayb-galeen badhasaabka Gabiley, xubnaha Golaha Deegaanka ee Gabiley iyo marti-sharaf kale.

Duqa Gabiley Maxamed-Ammiin Cumar ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay sii sagootiyaan weftigan iyagoo markii horena ahaa ciddii soo dhawaysay.

Badhasaabka Gabiley ayaa sheegay in dadweynaha Gabiley ku faraxsan yihiin heshiiskii labada dhinac ay Diridhabe ku saxeexeen iyo wixii ka fulayba.

Ugu dambayn xubnaha weftiga Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka mahad-celiyey sida diirran ee loo soo dhaweeyey. Waxayna sheegeen in ay ka shaqayn doonaan isku-xidhnaanta labada dhinac.

Tani waxay ka mid ahayd booqashooyinka kooban ee ay labada dhinac is-waydaarsadaan iyadoo la dareemayo in xidhiidhka labada dhinac uu beryahan dambe soo wanaagsanaanayo.