Ganacsade Cali C. Xasan Guuleed wuxu farta ku goday qalad laga fahmay hannaanka xisbiyada badan ee ay Somaliland cagta saartay

 

Qoraal Kooban oo uu Wargeyska HUBAAL xalay soo gaadhsiiyey mulkiillaha Hotel Guuleed ee magaallada Hargeysa Mr. Cali Cumar Xasan Guuleed ayaa uu ku naqdiyey hab dhaqannada beryahan ay dadka u kala goosha xisbiyadu la soo baxeen ee yidhaahda waxaanu ku biiraynaa xisbi hebel annaga oo ka baxnay xisbi hebel, taas oo uu ku tilmaamay mid fikir qaldan ka bixinaysa macnihii saxda ahaa ee ay lahaayeen axsaabta siyaasaddu iyo geedi socodkii dimuqraadiyadda ee dadka reer Somaliland cagta saareen.

Cali cumar waxaa uu sheegay in isaga oo ka duulaya fikirkiisa siyaasiga ah uu mawqifkiisa cadaynayo murashaxa uu taageersan yahay iyo xisbiga uu ayidsan yahayba. Qoraalkaas oo faahfaahsani waxaa uu u dhignaa sidan:

“Waxa inoo bilawday 10kii cisho ee ugu khayrka badnaa, Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu khayrkooda ina siiyo, baryahan danbe waxa socday, oo saaxada siyaasada ka jiray dad xisbiyada iska goosha, oo sheegta in ay xisbi ka baxeen mid kalana ku biireen, qofku hal cod bu leeyahay, kalmadda waxaan ku “biiray xisbi hebel” waa eray bixin si qaldan loo adeegsado, dunida casriga siyaasadda qofku murashax buu ayidi karaa (endorsed), imika aniga oo ah Cali Cumar Xassan Guuleed waxaan ayidsanahay (endorsed) murashaxa xisbiga Kulmiye ee doorashada Madaxtooyadda 2017, Muuse Biixi Cabdi (MBA), balse xaflad loo qabto iyo hugun dad oo basas kolba dhinac loogu qaado maaha mid wax macno ah soo kordhinaysa, waxaana ay boog ku tahay bislaanshaha xisbiyadeeda, iyo xisbiyahanimadda lafteeda. Soomaalidu waxa ay tidhaa “Adhi shugux shugux kama ilbaxo” waxa ayaan darro inagu ah in wali hebelo xisbi ka baxay oo xisbi kale galay ay macno weyn ka samayso saaxada siyaasadeed ee Somaliland”.

Allaa Mahad Leh

Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com