“Alla-maganne Baashoow; Kursigii lagu saaray iyo Xildhibaannadii kuu codeeyeyba waxaad ka door-biday XUUB-CAARO” (WQ: Cabdillaahi Aadan Cumar “Wayab”)

 

“Tallaabadan u dembeysay ee uu Baashe Qaaday Waxay Dhiig Bax Ku Tahay Kalsoonidii Xildhibaannada u Codeeyey, Go’aankiisuna waa mid lid ku ah Karaamadiisa, Kursigiisa,Kartidiisa iyo Xisbiga KULMIYE-ba” 

“Baashe waxa uu iska tuuray haadaan aan ka soo noqosho lahayn, kadib markuu si indho la’aan ah u dhex galay shabakaddii xuubka caarada ee ay ku meegaaraan xildhibaannadii uu  hoggaaminayey Musharraxa Xisbiga Wadddani Mudane C/raxmaan Cirro oo isaga hore ay ku  ugu wareejiyeen Mus-dembeedka Xisbigiisu furayaasha shabakadda Xuub caaro.

Arrintanina Waxay bahdilaad ku ahayd dhammaan xildhibaannadii ka soo jeeday xisbiga Kulmiye ee ku taageeray codkooda Baashe Maxamad Faarax maalintii caddeydna guusha gacanta u saaray, iyagoo u maray sifaha sharci ee Goluhu ku kala calaf qaadaan wax kasta oo ay isku qabtaan. Nasiib Darradu waxay ahayd in  Baashe  isaga oo ku dhex jira shabakadda xuub caaro uu Xildhibaankii uu ka guuleystay [Talyanle] hortiisa isagoo barbar taagan ka yidhi:

“ninka 39ka cod helay ee ku guuleystay jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waa aniga, hase ahaatee anigoo maslaxadda Golaha iyo dalkaba eegaya waxan uga tanaasulay walaalkay Baashe” taasoo aanu isna, waa Baashee ka celin habayaraatee wax jawaab ah!!!.

Oggolaanshahaa Baashe, waa mid dhaawac ku ah sharciyaddii Golaha aqlabiyaddiisu ku doorteen, geesta kale marka laga eegana waxa uu libin aanay lahayn faraqa ugu guntay oo uu u geliyey taariikhda Mus-dembeedka Xisbiga Waddani oo iyagu ahaa kuwii soo maleegay shabakadda lagu dabay iyo Musharraxooda, waana qorshe ku talo gal ah oo berri ka maalin ay damacsan yihiin inay ka dhigtaan keyd siyaasadeed oo hadday gar-naq ku saabsan doorshada Madaxtooyaddu timaad ay ku gorgortamaan, inkastoo qiilkoodu yahay mid bilaa daliil ah ama aan lahayn raad-raac sax ah oo yeelan kara tixgelintiisa.

Arrinta kale ee uu sida fudud kelidii uu u qaatay go’aankeeda oo aan odhan karo baadil iyo xaq-darro ayey ku ahayd intii u codeysay iyo Xisbigoodaba, waxay ahayd, isagoo jaalayaashii la halgamayey ee u halgamayey ee lahaa Xisbiyahano iyo Mudanayaalba ka dhigay dad doonayey xuquuq aanay lahayn, isla markaana duudsiyey xuquuq cid kale leedahay, kadib markuu Cirro  iyo Talyanle dhexda u galay ee uu shaashadahana kasoo muuqdeen, iyadoo uu dhiggiisii uu sida sharciga uga badiyey leeyahay, waa aniga Mudanaha ku guuleystay u tartankii jagada Guddoomiyaha ee helay 39ka cod, waase uga tanaasulay saaxiibkay Baashe ee sidaa muslin allow ogaada!!!

Tallaabadan u dembeysay ee uu u qaatay Baashe waa mid lid ku ah karaamadiisa, kursigiisa, Mudanayaashii u codeeyey iyo Xisbigooda Kulmiye iyo dhammaan bulshadii reer Somaliland ee taageersanaa ku dhaqanka sharciga dalka oo ahayd, in tartankii isaga iyo Talyanle dhexmaray uu ahaa mid uu kaga guuleystay, loona maray sifihii sharci ee uu goluhu ku kala baxayey, sidaa darteed, waxa hadda Baashe ay uga fadhiyaan wixii uu ku qanci lahaa akhyaarta aan kor kusoo xusay, inkastoo ay ii muuqato inaanu xataa dheymo u heli Karin, balse waxaaban ka  shaki qabaa in Baashe laga soo furo shabakaddi xuub caaro iyo in kale iyo in laga saxeexayba inuu rasmi ahaan xubin uga noqdo shabakaddooda iyo kaalinta labaad ee mus-dembeedka Xisbiga Waddani, marka dib loo dheehdo lana akhrio muuqaalladii Cirro, Baashe iyo Talyanle.

Allaa Mahad leh

Qalinkii: Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab)

Hargeysa, Somaliland