Murrashax Muuse Biixi wuxu kulan isku jira taageero iyo su’aale waydiimo la qaatay ku dhawaad 100 Haween Aqoonyahan ah

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo nuxurkiisu ahaa is-xogwaraysi iyo is-fahamsiinta qorsheyaasha iyo himilooyinka fog iyo kuwa dhaw ee xisbiga KULMIYE la qaatay haween aqoonyahan ah oo dalka iyo dibaddaba wax kusoo bartay, isla markaana aqoontoodu gaadhsiisan tahay shahaadada labaad ee aqoonta jaamacadda (Masters Degree).

Kulankan oo xalay lagu qabtay Huteel Dhoollayare ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE siyaasiyiin iyo xubno xukuumadda katirsan iyo weliba bahweynta haweenka aqoonyahanka ah oo tiradoodu ku dhawdahay 100 (Boqol) dumar ah, waxana guddoomiyaha iyo haweeynka halkaas ku dhexmaray si-xogwaraysi dheer oo ku saabsan qorsheyaasha xisbiga, iyada oo guddoomiyuhuna halkaas kaga jawaabay su’aalo tiro badan oo ay haweenku ka weydiiyeen arrimaha xisbiga.

Ugu horrayn murrashax Muuse Biixi Cabdi, ayaa haweenka si weyn ugaga mahadnaqay sida ay ugu dhiirran yihiin inay ku lug yeeshaan arrimaha hoose ee xisbiga KULMIYE, waxana uu sheegay in xisbigu yahay madal u diyaar ah haweenka, islamarkaana ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin barnaamijyada kala duwan ee xisbiga.

Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu haweenka u sheegay inuu xisbigu diyaar u yahay inuu muhiimad gaar ah siiyo haweenka, islamarkaana aragtida xisbiga ee haweenku tahay mid ku tacaluqda sidii looga faa’iidaysan lahaa aqoonta, waao-aragnimada iyo kartida haweenka ku duugan.

Su’aalo dhinacyo badan taabanaya oo qorsheyaasha xisbiga ee dhinacyada haweenka ku saabsan, ayey haweenka aqoonyahanka ahi si aan gabbasho lahayn u weydiiyeen murrashax Muuse Biixi Cabdi, kaas oo si farshaxanimo leh uga jawaabay, isla markaana haweenka kula dardaarmay inay qaybtooda ka qaataan dedaalka uu xisbigu ugu jiro inuu talada dalka mar labaad ku guulaysto.

bandhige@gmail.com