Dheeliga kefedda caddaalada (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Habka Saami-qaybsiga beelaysani waa hanaan ay inta badan Somaliland wax ku qaybsato, tusaale ahaan, Madaxweynaha haatan jooga iyo kuwii ka horeeyay ee dalkan soo maray waxay dhamaantood kasoo jeedeen qabiilka Isaaqa la yidhaahdo, halka dhamaanba Madaxweyne-ku xigeenadii Soo marayna ay kasoo wada jeedeen Qabiilka Gada-buursiga la yidhaahdo, marka laga reebo Xukuumaddii ku meel gaadjka ahayd ee SNM-tu soo dhistay sanadkii 1991kii, oo ay madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen isu noqdeen labo nin oo isku beel kasoo wada jeeday (beesha Isaaq) oo kala haa Alle ha Naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Xasan Ciise Jaamac oo isagu nool.

Tusaalaha labaad wuxuu yahay, doorashadii Gudoomiyaha Golaha wakiilada ee ugu danbaysay waxaa ku tartamay labo nin oo kasoo jeeday Beesha Dhulbahante, oo kala ahaa Baashe Maxamed iyo Cabdiraxman Talyanle, mana jirin, cid beelaha kale kasoo jeeday oo kula tartantay, tan macnaheedu wuxuu yahay in Kursigaasna ay Beesha Harti saami ahaan loogu daayay, halka Beesha Gadabuursina Madaxweyne-xigeenka uu qori ugu dhacay, Beesha Isaaqna ay madaxweynaha dul hoganayso.

Haddaba, marka kefada caddaalada la eegayo, waxaa la filayay in Gudoomiye-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ee shalay la doortay ay beesha Ciise Saami u hesho, waxaase qaadatay Beesha Gadabuursi oo horey u lahayd Madaxweyne ku xigeenka, Hadaba, waxaa isweydiin leh, ma beesha Ciise ayaan loo aqoonsanayn inay Somaliland wax ku leedahay? maxaa u diiday in sida beelaha kaleba ay Saamiga sare wax ugu leeyihiin ay iyagu ugu yeeshaan? mise, Soomaliland ciddii dagaalanta ayuun baa wax hesha, oo minqiyaaska, ama cabirka aynu waxku qiimanayno ayaa kaas ah, oo xaajadu kama tagana, NIMAAN WARANKAAGU GELIN, WEEDHAADU MA GASHO, oo waxaa si dadban loo leeyahay Ciisow si laguu arko waxaad u baahan tahay Khaatumo Ciisaysan, amaba Wabaraysan, sidaas ayaa Somalilandtu ku godlataaye.

Gunaanadkii, waxaan leeyahay, Waar Caddaalad hoos ha loo eego, iyada ayaa ninkastaaba wax ku yahay, oo gogol inoo wada noqon karate, Haddii kale, xaalku wuxuu ku danbayn RAG CADDAALAD WAAYAA, SIDII CAWSHA KALA YAAC.

Wa Bilaahi Towfiiq,

Qalinkii: Hussein-lucky M. Mohamoud,

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com