Maraykanka: Duufaan xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas

 

Magaalada Houston ee dalka Maraykanka ayaa waxa ku dhuftay duufaan xooggan oo ah kuwii ugu cuslaa inta lagu hayo taariikhda gobolka Texas, sida ay sheegayaan saraakiisha dalkaasi.

Roob cabbirka biyihiisu ay yihiin (75cm) ayaa ku da`ay magaalada xilli duufaanta Harvey oo dabeylo xooggan wadataa ay ku dhufatay magaalada, taas oo wadoooyinka u beddeshay webiyo.

Magaalada ayaa la filayaa in roobkii sannadka ku di`i lahaa oo dhan uu ka da`o toddobaad guddahood. Shan qof ayaa lagu soo warramayaa in ay dhinteen. Helikobtarro ayaa dhibbanayaasha ka daad-gureynaya saqafyada guryaha korkooda.

Iyadoo adeegyada samata-bixinta aysan wada gaadhi karin dadka, ayay dad badan ku qasbanaadeen in ay is samata-bixiyaan.

Cisbitaallada ayaa laga baxay, kumannaan qofna ayaana koronto la`aan ah.

Dugsiyo ayaa la xidhay, iyadoo labada garoon ee ugu waaweyn gebi ahaanba biyo fadhiisteen.

bandhige@gmail.com