Madaxwayne-ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxwayanaha Somaliland wuxu xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta ugu saraysa Hay’adda Khayriga ah ee Al-Xayaat Foundation

 

Madaxwayne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta Hay’ada khayriga ah ee Al-Xayat foundation oo dalka u yimid sidii ay bulshada reer Somaliland uga caawin lahaayeen waxbarashada iyo caafimaadka.

Madaxwayne ku-xigeenka ayaa masuuliyiinta hay’adda al-Xayaat foundation ku amaanay doorka ay ka ciyaarto hawlaha samafalka ee Somaliland isagoo sheegay madaxwayne ku-xigeenku in shacabka reer Somaliland dareensan yihiin hawlaha baaxadda leh ee hay’adani ay dalka u hayso.

Guddoomiyaha hay’adda Al-xayat Foundation ayaa uga mahad celiyay Madaxwayne-ku-xigeenka sida milgaha iyo maamuuska leh ee uu ugu soo dhaweeyay, isagoo Guddoomiyuhuna sheegay in ay dalka dibadiisa u qaadi doonaan saddex carruura oo wadnuhu daloolo, islamarkaana ay deeqo waxbarasho oo bilaasha ay siin doonaan cadad tiro badan oo da’yarta reer Somaliland ah.

Waxaanu sheegay Guddoomiyaha Al-xayaat in ay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ay cunto gaadhsiiyeen ku dhawaad 3,000 oo qoys waxaanu sheegay in ay halkaasi kasii wadayaan mashaariicda ay dalka ka wadaan.

Gebo-gebadii masuuliyiinta hay’adda Al-xayaat waxay madaxwayne-ku-xigeenka ku maamuuseen shahaado sharaf.

bandhige@gmail.com