Garabka haween Waddani ee Burco oo qado sharaf u sameeyey wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka Waddani ee Maraykanka

Garabka haweenka xisbiga Waddani ee Gobolka Togdheer ayaa munaasibad qado-sharaf ah ku maamuusay wefti  oo ka socday laanta Waddani ee Maraykanka iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga oo ay ku jiraan xildhibaano.

Masuuliyiintii ka hadashay musaabidan ayaa waxay dhammaantood soo dhoweeyey imaantinkan weftiga Waddani ee xogogaal ku yimi gobolka.

Weftigan ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona gobolka Togdheer.

bandhige@gmail.com