Kolonyo baabuur ah oo nooca xamuul qaada oo aan tiradoodu badnayn oo qayb ahaan uusan darawal wadin ayaa lagu tijaabin doonaa wadooyinka waawayn ee Britain dhammaadka sannadka soo socda, sida ay dawladdu ku dhawaaqday.
Qandaraaska tijaabadaas waxa la siiyay Transport Research Laboratory
Ilaa saddex gaadhi oo isla socda ayaa safar gali doona iyadoo xawaaraha iyo bireegga uu jaangoyn doono gaadhiga koobaad.
Laakiin masuul u hadlay AA ayaa sheegay in ay jiraan walaac dhanka badqabka ah
Waaxda cilmibaadhista gaadiidka ee TRL ayaa bilaabaysa tijaabada gawaadhidan xamuulka, iyada oo la filayo ay wadooyinka waawayn u wareegaan dhammaadka sannadka 2018-ka.
Dawladda ayaa ballanqaadaysay mashruucan oo kale tan iyo sannadkii 2014kii.
Tusaale ahaan Sannadkii hore ayay dawladdu ballan qaaday in ay doonayso in ay billawdo tijaabada gawaadhidan is wada, balse waxa baajiyay markii ay shirkadaha sameeya gawaadhida xamuulka ah ee Yurub ay diideen in ay ka qaybqaataan.
Waaxda cilmibaadhista ee TRL ayaa ku dhawaaqday shirkadda hadda kala shaqaynaya tijaabadan waxayna kala yihiin.