Nin ay caddaannimadu la waynayd oo lagu eedeeyay in cunsurinimo dad ugu dilay gobolka Florida soddon sanno ka hor ayaa xukun dil ah lagu fuliyay isaga oo lagu muday irbad.
Mark Asay ayaa taariikhda galay ka dib markii uu noqday qofkii koobaad ee caddaan ah ee gobolkaasi uu dil ku fuliyo isaga oo lagu helay in uu qof madaw ah dilay, sida ay sheegtay xarrunta xukunnada dilalka ah ee la fuliyay ee la yidhaahdo Death Penalty Information Center.
Ninkan oo 53 jir ah ayaa lagu helay in uu labo ruux dilay sannadkii 1987-dii
Waa markii koobaad ee qof nafta lagaga qaado dawo cusub oo loo yaqaanno cocktail.
Xeerbeegti ayaa Asay ku heshay in uu toogasho ku dilay Robert Lee Booker, oo ah nin madaw iyo Robert McDowell oo ah dadka asal ahaan ka soo jeeda Laatiin Ameerika ee Hispanic loo yaqaanno, dilkaasna uu gaystay isla habeenkii laga maqlay isaga oo jeedinaya haddallo cunsuriyaddi ku dheehan tahay.
Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen in Asay uu kiraystay McDowell oo dhar dumar qaba si uu ugu tago, balse uu rasaas ku dilay markii uu arkay in uu nin yahay.
Tan iyo markii uu gobolkaasi dib u soo celiyay xukunka dilka ah sannadkii 1976, labaatan nin oo madaw ah ayaa loo dilay in ay dileen dad caddaan ah, sida ay ku warrantay Death Penalty Information Center.