Go’aamo kasoo baxay kulan Shalay dhexmaray haldoorka Beel-weynta Haashim ee Beesha Arab iyo musharraxa kulmiye

 

Shalay oo taariikhdu tahay October 01, 2017 waxaa kulan taariikhi ah dhexmarey musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Gudida Odayaasha Beelaha Haashin kulankaas oo ka dhacay Guriga Guddiga sare ee Odoyaasha Beelaha Haashim, kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen Odayaasha dhaqanka, Guddiga Dhalinyarada, Guddiga Haweenka ee Beelaha Haashim, Aqoonyahan, siyaasiyiin iyo Mujaahidiintii halganka.

Waxa kaloo Goobjoog ka ahaa xubnaha Golaha wasiirada kaga jira beesha,
xubnaha sadexda gole(Golaha Baarlamaanka, golaha Guurtida iyo golaha degaanka)
iyo Xubno ka tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Beelaha Haashim,
Kulankaas oo daaranaa is xog wareysi iyo wacyigelin ku qotonta dardar gelinta iyo xoojinta taageerada murashaxa Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Kalankan oo beeshu ku muujisnayso taageerada buuxda ee ay u hayaan musharaxa Madaxweynaha mudane Muuse Biixi Cabdi taageeradaas oo ay aasaas u tahay qodobadan hoos ku xusan.

1. Baahida loo qabo hogaan adag oo Somaliland manta u baahan tahey si uu dhidibada ugu adkeeyo horumarka maanta jira iyo ka midho dhalinta geedi socodka himilooyinkii Dawladnimo.
2. Isbeddelka Horumar ee wadanka ka hirgaley mudadii xilka dawladnimo ay heysay dawladda maanta ee xisbiga kulmiye taas oo uu gadhwadeenka ka yahey Madaxweyne Ahmed Mohamoud Silanyo
3. In ay beeshu ka mid tahey aasaasayashii Xisbiga Kulmiye.
4. Taariikhda Musharaxa Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku suntan Qaranimada Somaliland.
5. Ku kalsoonaanta beesha ee hogaaminta iyo fulinta Musharax Muuse Biixi ee ku dhaqanka dhamaan qodobada Barnaamij siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye ee shanta Sanno ee mustaqbalka.
Qodobadaas sare awgood waxey Beelaha Haashin weyne balanqaadayaan taageero buuxda oo cod iyo maalba in ay la garab taagan yihiin Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

WA BILAAHI TAWFIIQ

bandhige@gmail.com