Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa waxaa uu maanta magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd uu kaga qeyb galay munaasibad loogu fooladeynaayey Guddida Horumarinta Arab oo maanta cudooda taageero ku biiriyey xisbiga Waddani .
Guddoomiyaha ayaa dadweynaha uu sii dhexmarayay u jeediyay hadallo ku saabsan wacyi gelinta u diyaar garowga doorashada iyo u hoggaansanka xeerka anshaxa doorashada Madaxtooyada oo ay Sabtidii kala saxeexdeen saddexda xisbi iyo Komishanka doorashooyinku. Waxa uu bulshada u sheegay in ay xafiisyadooda ku wataan shaqada xisbiga laakiin, aanay olole samayn ka hor wakhtiga la furayo.
Hoggaanka xisbiga ayaa dhaqan geliyay xeerka anshaxa islamarkaana mamnuucay in dadka soo dhawaynaya qaatan calamaanta marka laga reebo in ay xarumaha xisbiga ku soo dhaweeyaan weftiga guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro hoggaaminayay.
Guddoomiyaha, ahna musharraxa madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo hadal ka jeediyay magaalada Balligubadle ayaa sharraxay ujeedada socdaalkiisa “Waan ku faraxsanahay in aanu joogno xaruntii xisbiga Waddani ee gobolka Hawd oo ah xarun aad u weyn oo si wanaagsan looga shaqeeyay, la bilay oo la qurxiyay, diyaar garawgaasina waxaynu ugu diyaar garoobayna ololihii rasmiga ahaa haddii Alle ka dhigo,” Sidaas ayuu yidhi Musharraxa Madaxweynaha Waddani.
Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu si kal iyo laab ah xisbiga ugu soo dhaweeyay siyaasiyiin door ah iyo taageerayaashooda “Waxaan mahad balaadhan ka soo jeedinaya ujeedadii munaasibadan loo qabtay oo ahayd dad miisaan culus leh oo Somaliland iyo beesha caalamkuba taqaano in ay maanta ku soo beereen xisbiga Waddani, kagana biireen gobolka Hawd. Raggaas waxa ka mid ah Dr Maxamed warsame oo dunida inta badan ka soo shaqeeyay, dhakhtar caana oo la yaqaanana ah oo halkan maanta kaga dhawaaqay in uu xisbiga Waddani ku biiray, waxa kale oo uu ahaa guddoomiyihii guddida beesha(Guddida Afgarad), waxa ka mid ahaa Maxamuud Cabdi Malaw, Cali Iid, Siciid Daahir, guddoomiyihii Kulmiye ee gobolka Hawd, hablihii iyo siyaasiyiintii kale ee halkan xisbiga kaga biiray dhammaantood waxaan leeyahay aad iyo aad baad u mahadsan tihiin. Miisaankiinu wax badan buu ka bedeli doona gobolkan iyo jamhuuriyadda Somaliland doorashada soo socota ee Madaxtooyada haddii Alle yidhaahdo. Ku soo dhawaada gacmo furan iyo qalbi furan; sidii caadada u ahaan jirtay xisbiga, waa lagu soo kala horeeyay xisbiga ee cid idinka leh ma jirto, Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiyaha Waddani waxa uu qaybta dambe ee khudbaddiisa ku eekeeyay sida xisbiga Kulmiye ugu fashilmay wax ka qabashada adeegyada bulshada ee gobolka Hawd “Waxaan jecelahay in aan eray ka idhaahdo; waxa aan maqlay oo la hadal haya in Kulmiye soo bandhigayo buuggiisii wax qabadka intii uu xukunka hayay, bal haddaba waxqabadkiisa waxaynu ka eegayna uun qayb ka mid ah, waxaynu ka eegayna qaybta gobolka Hawd khusaysa, gobolka Hawd waxa uu ka samaysan yahay 27 magaalo ama tuulo, marka waxqabad la eego waxa ka furan saddex MCH( Saddex xannaano caafimaad ah) ayaa ka furan 27-ka magaalo, cisbitaal ma leh gobolku, wuxuu leeyahay rug caafimaad. Waxbarashada gobolka Hawd waxa ka aasaasna 23 iskuul waxa shaqeeya ba la igu yidhi afar kaliya hadda waa wax qabadkii Kulmiye, waxa la yidhi macallimiinta gobolku waa boqol iyo xogaa inta Bayroolka dawladda ku jirta laakiin, inta ka shaqaysa gobolkan waa tiro aad u yar,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani waxa uu badka soo dhigay sida xukumadda Kulmiye gobolka Hawd uga qadisay ceelal iyo harooyin ay qoday “Xagga biyaha marka aynu eegno dalka oo dhan wuu ooman yahay laakiin, sida Kulmiye sheegay 288 ceel iyo harooyin ah ayaa laga qoday Dalka JSL, gobolka Hawd midh kagama jiro. Waddooyinka inkasta oo aynaan dafirayn waxay xukumaddu samaysay waddada Baligubadle iyo Hargeysa 20Km(Labaatan Kilomitir) ayaa la sameeyay, 11.5km( koob iyo toban iyo badh Kilomitir) bulshada samaysatay inta kalena waa waxyaabaha ugu badan ee uu ku faano xisbiga Kulmiye. Dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha, dalkasta dhanka dhaqaalaha waxa ugu wanaagsan in la sameeyo nidaam maaliyadeed oo shaqaynaya, nidaamka maaliyaddana waxa saldhig u ah in la helo baanan, marka insha Allaahu baankii ugu horeeyay ayaanu ka furi doona gobolka Hawd, kaasi wuxuu suuro gelinaya in ay shaqeeyaan kastamka ama hay’addihii kale ee ku xidhna Kastamka, intaas kooban ayaan tusaale uga soo qaatay laakiin, marka ololaha ayaynu aad u sii dhex geli doona waxqabadka Kulmiye ku faanayo ee laga yaabo in uu shacbiga u soo bandhigo,” Sidaas ayuu yidhi Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani.
bandhige@gmail.com