Go’aanka Itoobiya ee Aqoonsiga Somaliland Waa Mid Sax ah” Wasiir Tarekegn Bululta

Addis Ababa (Dawan)- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Wershadaha ee dawladda Federaalka Itoobiya Mudane Tarekegn Bululta ayaa go’aan sax ah ku tilmaamay in dawladiisa Itoobiya ay aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirul dawlaha wershadaha Itoobiya wuxuu ugu horrayn u mahadnaqay labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya iyo shacabka labadaasi dal ba heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhawaan dhex maray.

Wasiirul-dawlaha Wershadaha Itoobiya Md. Tarekegn Bululta oo qoraal kooban ku baahiyey barta X ee hore loo odhan jiray Twitter-ka waxa uu ku sheegay in riyadii Itoobiya ee ahayd inay bad hesho ay dhab noqonayso.

Waxa kale oo Wasiirul dawluhu caddeeyay in go’aanka ay dawladiisu ku qaaday aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu ahaa go’aan sax ah.

Dhinaca kale, safaaradaha Itoobiya ee caalamka ayaa maalmahii u dambeeyey si weyn ugu baahiyey barahooda qoraalo dhiirigelinaya heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen horaantii sannadkan, isla markaana raaciyey siduu uga dhab yahay dalka Itoobiya ka midho-dhalinta hirgelinta heshiiskaa.

“Gobolka Badda Cas waxa uu leeyahay muhiimad istiraatijiyadeed oo weyn, Itoobiya oo leh dhul baaxad leh iyo dadwayne ayaa qaaday tallaabooyin firfircoon iyada oo qabanqaabisay dood cilmiyeedyo si loo baadho dawooyin dhammaystiran.” ayaa lagu yidhi qoraal Safaarada Itoobiya ee dalka Uganda barteeda Twitter ku baahisay Arbacadi.

“Is-afgaradkii Raysal-wasaare Abiy la galay Somaliland ee ku saabsan helitaanka dekeddu waa mid wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha Itoobiya. Fikirkiisa istiraatijiyadeed ayaa ah mid ummadda u sugi doona mustaqbal ifaya.” Ayaa qoraal safaarada Itoobiya ee dalka Qatar ku baahiyey Twitter Isniintii.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com