Ciidanka ha laga Daayo Aflagaadada Waa in Aynu Wax uun Xeerinnaa” Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa soo jeediyay in aflagaadada laga daayo Ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay in aanay Somaliland waxba ka qaadi doonin cdawga isu soo bahaystay, waxaana uu intaasi ku daray in xuduudhaa Jamhuuriyadda Somalialnd la gaadhi doono.

Faysal Cali Waraabe oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan hambalyaynayaa Ciidanka qaranka iyo kuwa nabadgalyada ba. Waa la inoo tashadasy Jin iyo Jaan ba, in layna burburiyo ayaana lagu tashadasy, laakiin waxaad ogaataan in aanay waxba inaga qaadayn, quwadii Siyaad Barre mid inagaga wayn oo inala dagaalami kartaa ma jirto.”

Guddoomiye Faysal waxa uu ka digay in la aflagaadeeyo ciidamada Qaranka Somalialnd, waxaanu yidhi “Waxa aan arkayay Ciidamada oo la aflagaadaynayo, Ciidamada ha laga daayo aflagaadada, waa ceeb waa in aynu wax uun xeerinaa. markaa waxa aan leeyahay ha laga daayo aflagaadada Ciifamafa. Maanta maalin ay ciidamadeenu ka quwad wayn yihiin ma jirto oo ay ka hub wanaagsan yihiin. xuduudaha si dhakhso ah ayaynu ku gaadhaynaa ama nabad ayaynu ku gaadhaynaa ama qori ayaynu gaadhaynaa xuduuda, Ciidamada may jabin way jiraan”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com