Ururka Bisha Cas ee JSL oo Horumariyay Adeega Caafimaad ee Bulshada Burco

Burco (Dawan)- Ururka Bisha Cas ee Somaliland (SRCS) ayaa isbedel muuqda ku samaysay helitaanka adeegyada caafimaad ee bulshada Burco.

Sida lagu baahiyey barta Ururka Bilaha iyo Laanqeyraha cas ee Caalamiga (IFRC) ayaa lagu sheegay in iskaashi dhexmaray Ururka Bisha Cas ee Somaliland iyo hay’adda Bisha Cas ee Finland hagaajisay helitaanka daryeelka caafimaadka, isla markaana abuureen goobo la dejiyo bukaan-socodka si ay u helaan khibrad caafimaad oo wanaagsan.

Qoraalka IFRC ayaa la raaciyey in laanta Burco ee Bisha Cas ay horumarisay xarunteeda caafimaad si ay u noqoto mid soo jiidasho u leh carruurta, iyada oo kor u qaadaysa helitaan caafimaad wanaagsan.

mashaariic badan oo Bisha Cas ee Somaliland fuliso ayey qeyb ka tahay maaraynta khataraha masiibooyinka oo taakulo dhaqaale la gaadhsiiyey afartan kun iyo dheeraad qof oo ka kooban lix kun iyo todoba boqol oo qoys. Sidoo kale tiro gaadhaysa lix iyo labaatan berkadood iyo afar ceel biyood ayaa la hirgeliyey, sidoo kale saddex kun oo qof ayaa saacado beerahooda cagafcagaf loogu qoday.

Talaabooyinka la mahadiyey ee bisha cas qabatay sannadkii 2023 waxa ka mid ah gaadhsiinta adeegyo caafimaad dad gaadhay afar boqol iyo lixdan kun oo qof, dad gaadhaya lix iyo konton kun oo la gaadhsiiyey taageero kala duwan oo dhaqaale, dadka lixaadka ka naafada ah oo gaadhaya laba kun iyo dheeraad oo loo sameeyey adeegyo kala duwan. Sidoo kale bisha cas ayaa abuurtay dhir gaadhaysa saddex kun iyo saddex boqol sannadkii hore.

SRCS-Somaliland waxay u baahan tahay taageero dhamaystiran oo ku wajahan dadaallada Horumarinta Bulshada Qaranka si kor loogu qaado adkaysigeeda iyo u diyaargarowga lama-filaanka iyo aafooyinka kala duwan.

Maadaama doorashooyinka qaranka loo muddeeyay bisha November, SRCS-Somaliland waxa ugu baaqaysaa la-hawlgalayaasheeda inay diyaariyaan oo ay hawlgeliyaan Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Musiibada El Nino (DREF). Marka la eego suurtagalnimada caqabadaha saadka ee kordhaya muddada doorashada, waxaa muhiim ah in la hubiyo in dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ay jiraan si looga jawaabo si wax ku ool ah dhibaato kasta oo iman karta. sida, Diirada saarida barnaamijyada horumarifog.muddada fog.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com