Golaha Guurtidu waxay muddo kordhin u sameeyeen xukuumadda iyo wakiilada

 

Gudidii loo xilsaaray muda kordhinta loo sameyeynayay xukuumada, golaha wakiilada, iyo kuwa deegaanka oo muda xileedkoodu uu dhamaaday ayaa ku dhawaaqay muda ay isla garteen in la kordhiyo doorashana ay ku qabsoomi karto Mudo xileedka madaxweynaha iyo ku xigeenka oo ku eeg 28/4/2017-ka ayaa lagu sameeyay korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/4/2012 -ka kuna eeg 13/12/2017

Golaha wakiilada oo muddo xileedkeedu ku eeg yahay 28/4/2017.

waxaa loo sameeyay mudo korsiimo ka bilaabmeysa 28/4/2017-ka kuna eeg 28/4/2019

Intaas ka dib gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa soo jeediyay in cod la galiyo, waxaana goobta fadhiyay 75 mudane waxaana u codeeyay 74 mudane, hal xildhibaan ayaa diiday guddoomiyuhuna muu codeynin

Doorashada golaha deegaanka iyo wakiiladuna isla hal wakhti ayay qabsoomayaan ahna bil ka hor dhammaadka mudaย  xileedka loo kordhiyay, muda xileedka golaha guurtiduna waxaa uu noqonayaa afar todobaad ka dib muda xileedka golaha wakiilada.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:ย 

https://www.youtube.com/watch?v=pSjwEyQO-vY

bandhige@gmail.com