Madaxwayneku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxawayanaha wuxu xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socotay Ururka Dawladaha Hoose ee Dalka Holland

 

Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna Ku-simaha Madaxwayanaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Xubno ka socday ururka dawladaha hoose ee dalka Holland oo taageero xoogan siiya dawladaha hoose ee Somaliland .

Madaxwayneku-xigeenaka ayaa waftiga kala hadlay sidii ay usii dardar gelin lahaayeen Taageerada ay siiyaan dawladaha hoose ee Somaliland iyo sidii ay qayb libaax uga qaadan lahaayeen mashruuca JPLG-ga ee lagu taageero dawladaha hoose.

Waftigani ayaa balan qaaday inay halkaasi kasii wadayaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay taageero muuqata ula garab joogsan lahaayeen dawladaha hoose ee Somaliland.

bandhige@gmail.com