Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magcaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud โSiilaanyoโ, xubnahan oo uu ka mid ahaa Wasiiru-dawladaha wasaaraddda Beeraha Cabdiwaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Guuleed Maxamed Jirde iyo Wasiirudawlaha Arrimaha Dibbedda Maxamed Mixile Boqore.
Fadhigan maanta ee Golaha Wakiilada oo uu Guddoominayey, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax iyo Gudoomiye-ku-xigeenka 2aad Cali Yuusuf, fadhiga oo ay fadhiyeen 42 mudane ayaa markii taariikhdooda shaqo uu golaha ka hor akhriyey Xogyaha Guud ee Golahaasi Cabdirisaaq ay cod aqlibiyad ah ku ansixiyeen goluhu masuuliyiintaas.