Goob qaadhaanka abaaraha lagu yaboohay $18,457 Dollar oo ilmada la xejin waayay

Kulan qaadhaan loogu ururinayo abaaraha dalka ayaa habeenkii Jimcaha lagu qabtay hudheelka Maansoor, Hargaysa. Kulankan oo dadkii madasha ku sugnaa ilmada xejin waayeen ,ayay soo abaabuleen dhalinyaro mutadawaciin ah oo iskood isku xilqaamay. Madashan ayaa loogu yeedhay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland iyo xubno ka tirsan Guddida Abaaraha ee heer qaran.

Munaasibaddan ayaa ku wajahnayd sidii loogu gurman lahaa dadka ay ku dhacday abaarta baahsan ee ku habsatay gobolada bariga  Somaliland oo maraysa heerkii ugu daraaa.

Abaartan ayaa keentay cuno yari iyo biyo la’aan ballaadhan oo deegaanada miyiga faro baas ku haysa waxayna saamaysay dad iyo duunyaba, waxayna  sababtay in ay ku lee’daan xoolahii kala duwanaa ee ay dhaqan jireen dadkeenu, waxaa kale oo iyana cidhiidhi ku jirtay noloshii dadka reer guuraaga ah  taasina waxay saamayn ku leedahay dhammaan dadka ku nool magaalooyinka oo noloshoodu ku xidhantahay xoolaha nool.

Gurmadaka abaaraha oo shicbka iyo dawlada Somaliland ba ay si weyn u wadaan ayaa dhaqdhaqaaqyadooda laga dareemayaa  guud ahaan dalkoo dhan.

Kulankan habeenkii xalay Jimcaha ayaa lagaga yaboohay lacag dhan; 18,457.Dolar  Sideed iyo toban kun afar boqol iyo todoba iyo konton   Dolarka maraykanka ah.

Qaadhaan ururintan dhaliyarada mutadawaciinta ahi soo abaabuleen ayaa ahayd, mid ay ka muuqatay hawlkarnimo, kalsooni iyo farsamo aad uga yaabisay dadwaynahii goobtaasi ku sugnaa dhalinyaradaasi waxay halakaasi ku soo bandhigeen, Film kooban oo xambaarsan xaalada murugsan macaluusha,biyo la;aanta iyo raqda xoolaha oo meel walba daadsan.

Dhalinyaradii arintan soo abaabushay waxay ahaayeen qaar gilgilay shucuurta dadkii ku sugnaa madasha ,waxay adeegsadeen hibo iyo hab ay farta noogu fiiqeen in qof walba waxii uu karayo isagoo ilmaynaya uu bixiyo.

qaadhaan2

Hablaha qaarkood ayaa dahabkii ay xidhnaayeen ku deeqay.  Wiil yar oo TvV-yada ka arkay carruur gaajoonaysa  ayaa nusasacahiisii badka soo dhigay. Shaqaale dawladeed iyo qaar hay’adaha madaxa bannaan ka hawl gala ayaa mushahaaradoodii sadaqaystay.  Dadka qaarkood ayaa goobtan ku bixiyay koodhadhkoodii iyo go,yaal ay dhaxanta ka huwanayeen. Dhalinyaro aan shaho hayn ayaa waxii telefoonkooda iyo jeebabkooda ku jiray aan kala kicin golahaasi. Ganacsadayaal yar yar ayaa qaadhaan lagu farxo halkaasi ku bixiyay.

Xubno ka mida Guddida Abaaraha heer qaran oo uu ka mid ahaa wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Kaliil Cabdilaahi Axmed ayaa si weyn ugu mahad naqay dhallinyaradan soo abaabushay munasibadan dadweeynahii wax bixiyayna  halkaasi uga duceeyay. Wasiir Khaliil ayaa sheegay in arrintani tahay mid lagu farxo oo ina tusaysa qiimaha wax-wada-qabsiga .

Mutadawaciintan dhallinyarada ah aya abaartii galbeedka dalka ee hore u soo ururiyay lacag badan.

Ugu danbayn dhallinyaradan ayaan ku sheegi lahaa hanti qarankani dheer yahay qayrkii. Waxaanan dawladda kula talinayaa in aan la sii dayn oo laga faa’iidaysto hibadooda, hana lagu abaal mariyo  sida ay dadkooda tabaalaysan ugu sameeyeen fikirkan lagu najaxay.

Macaluusha iyo biyo-laantan ayaa lagaga bixi karaa naxariista Eebe oo ah xalka kaliya ee lagu badbaadi karo.

Warkan waxa diyaariyey: Mustafe Maxamed Nuur ‘Dheereye’