Goobaha dadweynaha ee dalka Turkiga oo laga mamnuucay Khamriga iyo Sigaarka.

Waxa la kordhiyay tirada goobahii hore looga mamnuucay in lagu iibiyo khamriga iyo Xashiishka ee Dalka Turkiga.

Iibinta Khamriga iyo Xashiishka ayaa waxaa laga mamnuucay goobaha sida xarumaha Caafimaadka, Wxbarashada, Tababarka, Dhaqanka iyo ciyaaraha, goobaha Dadweynaha iyo goobaha Nasiimada.

Dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay, dowladda ayaa laamaha amniga awood u siisay xakamaynta Khamriga lagu iibiyo ama lagu cabo goobaha dadweynaha.