Guddida Dhaqaalaha ee Golaha wakiillada oo Daahfuray Mashruuca Sharci ee Aasaaska wakaalada Haamaha Shidaalka

Xarunta guud ee golaha wakiillada Somaliland ayaa shalay lagu qabtay kulan hawleed lagu soo bandhigayay Mashruuca Sharci ee aasaaska wakaalada haamaha shidaalka Somaliland.
Kulankan oo socon doona muddo hal maalina, ayaa ah mid lagaga arrinsanaayey soo Bandhigida Mashruuca sharci ee Wakaladda Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka, waxaana ka soo qayb galay, ku xigeenka xafiiska garyaqaanka guud Qaranka Somaliland, xoghayaha rugta ganacsiga Somaliland, xubno ka socdey wasaradda maaliyada Somaliland, hay’addaha bixiya shidaalka iyo Mudanayaasha Guddida dhaqaalaha, maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha wakiilada JSL.
Guddoomiyaha Guddi hosaadka dhaqaalaha, maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Somaliland, Xildhibaan Cabdirashiid Cabdilhaahi Muuse (Caga-weyne) oo furan kulan hawleedkaasi ayaa sheegay in kulankan lagu naaqishi doono xeerka Mashruuca sharci lagu aas aasaayo wakaaladda Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka, kaasi oo ay curintiisa leeyihiin mudanayaasha guddi hosaadka dhaqaalaha maaliyada iyo Ganacsiga Golaha wakiilada Somaliland.
Xildhibaan Cabdirashiid Caga-weyne waxa uu xusay in xeerkani ay kala tashanayaan dhammaanba daneeyayaasha lagu dhiqi doono iyo masuliyinta Kaydka Haamaha Shidaalka, si ay daneeyayaashu fikirkooda ugu darsadaan dooda xeerkaasi.

 

Bandhige@gmail.com