Guddida Hay’adda Dhawrista Tayada JSL oo maalmihii u danbeeyey hawlo shaqo u joogay magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa maanta soo kormeeray xafiisyada kala duwan ee Hay’adda Dhawrista Tayada ku leedahay gobolka Saaxil.

Weftigaas ka socday Hay’adda oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Md, Mukhtaar Maxamed Cali iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda Md, Xamse Cabdi Ibraahim, ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Isuduwaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL ee gobolka Saaxil iyo Agaasimaha Waaxda Shaybaadhka Qaranka, iyaga oo halkaas warbixin ku siiyey guddidii uu horkacayay Guddoomiyaha Hay’addu. Masuuliyiintaas wefdiga ku soo dhaweeyey magaalada Berbera ayaa guddida warbixin ka siiyey hannaanka iyo halka ay marayaan shaqadii xafiisyada Hay’addu iyo sida hawl-wadeennada Hay’addu ay ugu adeegayaan bulshada reer Somaliland, iyaga oo si waafi ah uga warbixyey hannaanka shaqo iyo sida hufan ee Baadhayaasha Hay’addu ay gutaan waajibaadkooda shaqo, kuwaas oo si maalinle ah uga hawlgala gudaha dekedda iyo goobaha kala duwan ee badeecadaha lagu kaydiyo ee ka baxsan guddaha Dekedda Berbera. Baadhayaasha Hay’adda ayaa wixii agab ama anfaaci ah ee ay bedqabkiisa ka shakiyaan ka qaada isla markiiba muunad [Sample], waxa aanay muunaddaas ay soo qaadeen si toos ah ugu diraan Sheybaadhka Qaranka, si loo hubiyo tayadiisa iyo bedqabka sheygaas. Sheybaadhka Qaranka iyo hawl-wadeennada ka hawlgala oo iyana markiiba shaqadooda sheybaadh ka guta agabkaas ama anfaacigaas loo keenay, halkaasna isla jeerka ay baadhistooda dhammaystaanba ku soo saara warbixin buuxda oo ku saabsan natiijadii baadhista, sidaasna waxa ay maamulka Hay’addu ku soo saaraan go’aankii ku munaasbka ahaa ee agabkaas ama anfaacigaas laga qaadan lahaa.

Gabagabadii kulanka ayaa waxa halkaas hadal kooban ka soo jeediyey mas’uuliyiinta Hay’adda iyo Guddoomiyaha isaga oo ku dhiirrigeliyey hawl-wadeennada Hay’adda in ay sida ugu hufan, uguna heer sarreysa u gutaan waajibaadkooda shaqo, waxaana uu Guddoomiyuhu kula dardaarmay shaqaalaha in waajibaadkooda shaqo uga soo dhalaalaan habka ugu tayada wanaagsan ee ay dadkooda iyo qarankoodaba ugu adeegi kari lahaayeen. Waxaana uu u ballanqaaday in ay goor walba garabtaagnnaan doonaan isaga iyo dhammaan masuuliyiinta sarsare ee Hay’adduba, ka maammul ahaanna ay mar walba diyaar ula ahaan doonaan wax kasta oo ka saacidaya sidii ay u horumarin lahaayeen ee u tayayn lahaayeen shaqadooda iyo masuuliyadda weyn ee ay qaranka iyo bulshada reer Somalilandba u hayaan.

ALLAA-MAHAD-LEH