Guddida Heer qaran ee Xanuunka Covid19 ayaa Maanta soo saaray Go’aamo La xidhiidha Maalmaha Ciidul Fidriga

Guddida Heer qaran ee Xanuunka Covid19 ayaa Maanta soo saaray Go’aamo La xidhiidha Maalmaha ย Ciidul Fidriga.

 

Guddida heer qaran Covid19 ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii ay wada tashi la yeesheen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dhakhaatiir Khibrad durugsan u leh sida laysugu gudbiyo Xanuunka Covid19, waxa ay soo saareen Go’aamo.

 

Go’aamadan ay guddidu soo saartay waxaa lagu joojiyey ย Gabi ahaanba Isu soo bixii maalmaha Ciidda ย iyo ย Tukada Salaadda Ciidul-fidriga ย ee Masaajidada iyo Garoomada.

 

Sidoo Kale Waxaa ย lagu joojiyey Guud ahaanba Isu-socodka Gaadiiidka Dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay Ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

 

Waxaa la faray Mulkiilayaasha Garoomada iyo Goobaha Caruurtu Ku Ciyaarto inaan la furi karin ย si looga bad baado Xanuunka Covid19.

 

Waxaana ย la faray ย Dhammaan laamaha Ammaanka ee Dalka inay ku hawl galaan Ammaradan Guddida heer Qaran ee Covid19 JSL.