Guddida ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha wakiilada ayaa kulan dheer la qaatey Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland….

Guddida ayaa ka xaal wareysatey Hanaan maamul ,maaliyadeed iyo xil gudasho ee Taliska Ciidanka asluubta , oo ahmiyad weyn qaranka ugu fadhiya hawlo baaxad lehna haya .Taliyaha iyo Hogaano ku wehelinayey kulanka ayaa xog waafi ah ka siiyey Gudida shaqada ay qaranka u hayaan iyo si ay u gutaan waajibaadkooda shaqeed ,

Gudida ayaa aad ugu xog wareysatey xaalada nolosha iyo dhaqaalaha ee Xabiyada

Hantida Ciidanku leeyhy waxa u shaqeeya iyo waxa qabyada ka ah .

Yadoo Taliyaha iyo Saraakiisha la socoteyna ay si hufan oo faahfaahsan uga xog bixiyeen.

Kulanka waxa gudoominayey gudoomiyaha gudida ilaalinta hantida Qaranka

Xildhibaan Mustafe ahmed Kheyreeye oo ay ku weheliyaan afar Mudane oo kala ah

Xildhibaan Xasan ogaal

Xildhibaan Sh. Sokeeye

Xildhibaan J. Caanaboodhe

Xildhibaan Eng.Timo jilic

Kulanka ayaa kusoo dhamaadey jawi degen iyo Wada shaqeyn wacan oo bilow ah .

 

 

Xigasho:Telefiishanka Qaranka JSL

Bandhige@gmail.com