Wefti uu hogaaminayo isuduwaha cusub ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Gobolka Awdal Maxamed Cabdi Axmed (Abuwalad)

ayaa soo kormeray 45 xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ah iyo 6 isbitaal oo kuyaala Deegaanada iyo Degmooyinka gobolada Awdal iyo Selel.

Weftiga ayaa waxa sidoo kale qayb ka ahaa isu-duwaha Wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Sallel Maxamed Cali Talan, Madaxda xarumaha Hooyada iyo dhalaanka, madax qaybeedada Heer gobol iyo heer Degmo ee labada Gobol, Agaasimaha Dhakhtarka weyn ee Magaalada Boorama, madaxa WHO ee gobolka iyo Masuuliyiinta kala duwan ee Bahda Caafimaadka ayaa kormeero ku soo maray qaar kamida Deegaanada Gobolada Awdal iyo salal.

Ujeedada kormeerkan oo ku saabsanaa u kuurgalka xaaladaha kala duwan ee Caafimaad ee ku wajahan Dardargalinta iyo dabagalka Bahda caafimaadka ee deegaanada iyo Dagmooyinka Gobolada Awdal iyo Sallel ayaa ku soo beegmaya mudada kooban ee uu joogo gobolka, iskuduwaha cusub ee Wasaaradaasi Dr mohamed Cabdi Ahmed (Abuwalad)

 

 

 

 

Xigasho:Telefiishanka Qaranka

 

Bandhige@gmail.com