Guddida Iswaafajinta Doorashooyinka oo ku Gudo-jira Naaqishaada Qaraarka loo xilsaaray

Guddidii Golaha Wakiillada Somaliland ee dhawaan loo xilsaaray iswaafajinta labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururrada ee dhawaan ay goโ€™aamada xalka ah ka soo saareen madax-dhaqameedka beelaha bariga Burco.

Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashiiyinka ee golaha Wakiillada ayaa xarunta Golaha Wakiilada fadhigoodii 39aad ku lafa-gurey Xeerarka Doorashooyinka (Xeerka Doorashooyinka guud Xeer lr 91 iyo Xeerka doorashada ururrada Xeer Lr 14.

Shirkan oo uu gudoominayey Guddoomiyaha Guddidaas Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax.

Ma jirto weli wax goโ€™aan ah oo ay kaga talo bixinayaan qaddiyadan miisaanka leh ee loo xilsaaray.