Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Jaamacada Hargeisa, gaar ahaan Mac-hadka nabada iyo lafagurka khilaafka (IPCS) ayaa tababar ku saabsan dhismaha nabadda, xallinta khilaafaadka iyo sida loo dhex-dhexaadiyo isku dhacyada bulshada uga bilaabay qaar ka mid ah guddiyada nabadda, Odayaasha Dhaqanka, dhallinyarada, iyo haweenka Gobolka Sanaaag gaar ahaana magaalada Ceerigaabo.
Tababarkani waxa uu socon doonaa muddo 6 maalmood ah.