Guddida Mashrcuuca Abaar-tire oo Shir isugu yimid.

Guddida maamusha Mashruuca Abaar-tire ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Kulanka guddida hagta mashruuca Abaar-tire, oo ka kooban wasiirka wasaaradda Maaliyadda JSL, wasiirka biyaaha, agaasimaha guud ee wasaaradda Biyaha, wasiir ku xigeenka iyo isu’duwaha Mashruuca.

Mashruucan oo ah mashruuc uu maalgeliyey Baanka adduunku, kaas oo ay fulinayso wasaaradda horumarinta Biyuhu, waxa guddida warbixin ka siiyay Isu’duwaha Mashruuca Eng. Hamse, waxaanu sheegay in hadda mashruucu meel wanaagsan marayo.

Intaas ka dib guddida ayaa boggaadiyey mashruuca iyo qaabka uu u socdo fulintiisu, isla markaasna ka dooday oo falanqeeyey habka loo wadayo hawlaha mashruuca ee hadda gacanta lagu hayo.