Guddiga Fulinta ee xisbiga Kulmiye oo ansixiyey go’aankii Guddoomiyuhu kaga caydhiyey qaar ka tirsan xubnihii isbedel-doonka

Guddiga Fulinta ee xisbiga Kulmiye oo ansixiyey go’aankii Guddoomiyuhu kaga caydhiyey qaar ka tirsan xubnihii ka cadhooday shirweynihii xisbiga Kulmiye ee lagu doortay musharaxa Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa u meteli doonna doorashada 2017-ka xisbiga Kulmiye.

War-saxaafadeed mar dhowayd ka soo baxay xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu dhignaa sida tan:

War-saxaafadeed:

Ujeedo: Go’aanka Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye.

Shir ay yeesheen Guddida Fulinta ee xisbiga Kulmiye oo ka dhacay xarunta xisbiga Kulmiye caawa oo ay bishu tahay April 2, 2016, dood iyo falanqayn kadib, Guddida Fulintu waxa uu isku raacay qodobbadda soo socda:

1. Waxa la ansixiyey go’aankii hore uu Guddoomiyaha xisbigu uga soo saaray shantii xubnood ee caddaynayey sababaha ay ku lumiyeen xilalkii kala duwanaa iyo xubinimadii ay ka hayeen xisbiga Kulmiye kadib markii ay wadahadal toos ah la fureen axsaabta mucaaridka ah. Xubnahaasi waxay kala yihiin:
– Dr. Cabdi Aw Daahir Cali
– Cabdirisaaq Khaliif Axmed
– Xuseen Axmed Caydiid
– Faarax Cilmi Geedoole
– Cali Cabdi Saa’iq

2. Waxa kale oo Guddoomiyaha xisbigu soo hordhigay shirka Guddida Fulinta eedayn ka dhan ah Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeye iyo Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, isla markaana ah labaduba xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada. Dacwadoodaa waxa soo darsaya xubnaha Guddida Fulinta, waxaanna loo ballamay in go’aan laga gaadho shirka dambe ee Guddida Fulintu isugu iman doonto.

Allaa Mahad Leh.

Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi)