Guddoomiyaha Dalladda SONYO wuxu dhallinyarada ugu baaqayaa in ay qaataan kaadhka codbixinta

 

Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax oo Salaasadii shir-saxaafadeed ku qabtay xarunta guud ee dalladda ee magaalada Hargaysa ayaa dhallinyarada Somaliland ugu baaqay in ay qaataan kaadhka codbixinta si ay ugu suurto gasho in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada foodda innagu soo haysa ee madaxtooyada.

“Dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxay ku boorinaysaa dhallinyarada Somaliland iyo guud ahaan shacabkaba in ay qaataan kaadhka codaynta ee doorashada la qorsheeyey in ay dhacdo 13ka November 2017”

Guddoomiyaha SONYO ayaa sheegay in ay dhallinyaradu tahay cudud xoog leh oo qayb weyn ka ah dimuqraadiyadda Somaliland sidaas daraadeedna ay muhiim tahay in ay awood u yeeshaan ka qayb-qaadashada doorashada foodda innagu soo haysa taas oo lagu go’aaminayo madaxweynihii iyo xisbigii qaranka hagi lahaa muddada soo socota.

Guddoomiye Cabdicasiis wuxu sheegay haddii ay dhallinyaradu si firfircoon uga qayb-qaadan waayaan doorashada in taasi ay dhibaato ku noqonayso dimuqraadiyadda Somaliland isla markaana ay dhallinyaradu lumin fursaddii ay ku dooran lahaayeen qofka ay u arkaan in uu dhallinyarada iyo qarankaba sida ugu habboon u hhagi karo mustaqbalka.

Guddoomiyaha SONYO wuxu dhallinyarada u soo jeediyey in ay ka fogaadaan wax kasta oo kala fogayn kara mujtamaca Somaliland isla markaana kala dhex dhigi kara cunfi iyo arrimo aan loo baahnayn.

Guddoomiye Cabdicasiis wuxu arrin iska caadi ah ku tilmaamay in siyaasiyiinta iyo xisbiyadu ay ku kala aragti duwanaadaan danta guud ee umaddu wada leedahay sida caafimaadka, waxbarashada, biyahaya, gaadiidka, dhaqaalaha, dhallinyaraduna ay xaq u leeyihiin in ay taageeraan fikradaha ay u bogaan laakiin kala-duwanaashaas waa in la iska ilaaliyaa in uu sababo is-nac iyo kala-fogaansho ku yimaad bulshada Somaliland.

Dalladda SONYO oo la aasaasay 2003dii ayaa ah xarunta ugu weyn ee midaysa dhallinyarada Somaliland waxaanay ururadeedu ka hawlgalaan dhammaan degmooyinka iyo gobollada Somaliland. Waxay ka shaqaysaa horumarinta dhallinyarada iyo waxayna ka hawlgashaa sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha dhallinyarada hor yaalla.

Il-wareed: Taar TV Channel

Bandhige@gmail.com