Warbixinihii ugu dambeeyey ee xaaladda shuban-biyoodka Somaliland

Xanuunka shuban biyoodka oo noqday masiibo galaafatay nolosha boqolaal qof oo Somaliland ah ayaa xaaladdiisu ay hadda sidii hore soo dhaamaysaa iyadoo aanay cidina u geeriyoon maalmihii ugu dambaysay balse ay wali dad hor ihi u soo dhacayaan.

Sida ku cad warbixin aanu helay goor dambe oo xalay ah taas oo ayย wada-jir u soo saareen Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland iyo Hayโ€™adda Caafimaadka Adduunka โ€œWHOโ€, tirada dadka u soo dhacaya xanuunka shuban-biyoodka ayaa hoos u dhacday. Meelaha ugu badan ee uu xanuunkani saameeyeyna waa magaalooyinka ย Burco, Boorama iyo Hargeysa.

Tirada guud ee ilaa hadda uu xanuunkani asiibay Somaliland waa 15,665 qof, kuwaas oo 11,157 ka mid ahi ay yihiin magaalada Burco. Sidoo kale waxa u dhintay 292 qof, kuwaas oo 224 ka mid ahi ay ku geeriyoodeen magaalada Burco.

Hoos ka daalaco faahfaahinta warbixinta maalinlaha ah ee ay soo saarto Wasaaradda Caafimaadka Somaliland. Tani waxay ku taariikhaysan tahay 9kii July.