Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Wasiirka Maaliyadda iyo Guddida Abaaruhu waxay raashin u qaybiyeen dadka abaaruhu saameeyeen ee u soo guuray Daarasalaam

 

 

Wefti uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug “Buraale”, ayaa shalay deeq raashin ah waxay gaadhsiiyeen dadka ay abaaruhu saameeyeen ee u soo guurey Tuuloyowga hoos yimaada Degmada Daarsalaam ee Gobolka Maroodi-jeex.

Wefitigan oo ay kamid ahaayeen Wasiiradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo Sheekh Maxamed Aadan oo kamid ah Guddida heer qaran ee Taakuleynta dadka Abaareysan, ayaa waxay maanta deeq raashin ah gaadhsiiyeen 825 Qoys oo ah dadka ay abaaruhu sida aadka ah u sameeyeen ee kasoo guurey deegaamadoodii unasoo guurey degmada Daarsalaam ee Gobolka Maroodi-jeex, Dadkan abaareysan ayaa waxay kala degenyihiin 12 tuulooyin oo hoos yimaada degmada.

Waftigan oo si weyn loogusoo dhaweeyey deegamadaas ay marayeen ayaa waxaa si weyn ugu duceeyey  dadka deegaankaas iyagoo illaahay u bariyey in uu miisaanka xasanaadka ugu daro cid kasta oo wax soo tartey iyo kuwa soo gaadhsiiyey deeqdan raashinka ah, Waxa isna mahadnaq ballaadhan usoo jeediyey dadkaas Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug “Buraale” oo halkaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:

 “ Ugu horreyn illaahayba Mahad oo dhami u sugnaatay, Mar labaadka waxa farxad weyn ii ah inaan halkan idiinku yimaado safarkeygii u horreeyey muddadii koobneyd ee aan shaqada qaranka hayay, Waxa xusid mudan inuu alle iigu Beegay Gurmad iyo Gargaar Banii Aadannimo oo ah Waajib inawada saaran dhamaan Madax iyo Mijjoba, Aadbaan idiinku Mahadnaqayaa dhamaantiin Dadkiina Degen Deegaankan sida qurxoon ee aad iiga Guddoonteen Deeqdan raashinka ah oo runtii aan idinku wada filneyn balse ah Dhiig joojin, Raashinkani wuxuu ka koobanyahay Daqiiq, Bariis, Sonkor iyo saliid, Waxaanu ugu talo galnay 825 Qoys, Aadbaan idiinku adkeynayaa inaydun waajibkiina gudataan ka maamul deegaan ahaan, Aniga farxad bey igalineysaa sida milgaha leh ee aad usoo dhaweynseen martidaas idiin soo guurtey, Waxaan idin leeyahay illaahay wuu innagu imtixaamayaa wuuna isku keen egayaa sidaynu isugu Naxariisaneynee aynu Daryeelno Dadkeena Jilicsan oo aynu aad uga Warheyno Wallaalayaal”.

Waxa iyana halkaasi ka hadashay Wasiiradda Maaliyadda  Samsam Cabdi Aadan oo iyana madashaasi ka hadashay waxay tidhi:

 “ Illaahay haynagasoo jabiyo abaarta oo madar khayr qaba hana siiyo, Aamiin, waxaan aad ugu mahadnaqayaa Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo runtii ah shakhsi hawl kar ah oo muddadii uu xilka hayay muujiyey dadaal iyo dhaqdhaqaaq uu aad ugaga warhayo dadka tabaalaysan ee gurmadka u baahan, waxaa kaloon u mahadnaqayaa dhamaan dadka kuwada nool degmada Daarasalaam oo runtii muujiyey gobonimo iyo gogol wadaag aadna usoo dhaweeyey walaalahooda Abaaruhu soo barakiciyeen, walaalayaal waxaan idinku boorrinayaa inaydun dadkaas illaalisaan, daryeel iyo soo dhaweyn buuxda aydun isla garabtaagtaan, run ahaantiina haddeynu isu naxariisanno illaahayna wuu inoo naxariisan raxmadiisana wuu inasiin.”

Gabo gabadii waxa duco iyo dardaaran soo jeediyey Sheekh Maxamed Aadan oo ah iimaamka masjidka Cali-mattaan ee magaalada Hargeysa, kana tirsan Guddida Abaaraha heer Qaran, waxaana hadalladiisii kamid ahaa:

 “ Illaahay baa mahadleh halkan isugu keen keenay, mar labaadka anigoo ka wakiil ah Guddida Abaaraha ee heer Qaran waxaan mahadnaq usoo jeedinayaa Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Buraale oo runtii tan iyo markii la magacaabay aan si weyn ugu farxay waayo waxaan aqaannaa shakhsiyadiisa iyo dadnimadiisa wanaagsan, runtii waa shakhsi haybad Illaahay siiyey oo hawlkar ah, waxaan ugu duceynayaa in Illaahay xilkaas iyo shaqada uu Qaranka u hayo ee ballaadhan uu ku garab galo. Mar labaadka waxaan maamulka iyo dadkiina Deegaankan dhammaantiin idiinku duceynayaa in Illaahay miisaankiina xasanaadka idiinku daro samofalkaas wanaagsan ee aydun wallaalihiin ugu samo fasheen deegaanadiinii iyo beerihiinii oo aydun  ku soo dhaweyseen dadkaas abaaruhu soo baro kiciyeen, Walaalayaal waxaad ogtihiin in uu Illaahay yidhi “Haddii aydun dhulka guudkiisa isugu Naxariisataan anna Samada ayaan idiinkasoo Naxariisan”, Wallaalayaal gobonimo ku dhinta oo dadkaas walaalihiin ah illaaliya aadna uga warhaya, Illaahay Abaarta haynagasoo jabiyo, Illaahay dhibka iyo rafaadka haynaga dulqaado, Illaahay ha inoo Naxariisto Dambigeenana ha dhaafo, Aaamiin Aaamiin.”

Wabillaahi Tawfiiq.

Xafiiska Warbaahinta Gobolka M/JEEX.