Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa kullan la qatay qaar mida gudida xalinta khilaafaadka ee degmooyin ka tirsan gobolkaas.

Kullankaas oo ka qabsoomay xafiiska guddoomiyaha gobolka Sanaag waxa guddiyada kullankaas ka qayb-galay k aka mid ahaa guddiyada xalinta khilaafaadka bulshada ee degmooyinka Ceerigaabo, Ceel- Afwayn, Yubbe iyo Fiqi-Fuliye.

Kullankaas waxa kale oo qayb ka ahaa saraakiisha qaybta booliska ee gobolka Sanaag, madaxda qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo ka warbixiyay sida ay u shaqeeyaan xarumahaas xalinta khilaafaadka bulshada.

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay in kullankaasi ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xallinta khilaafaadka dhex mara bulshada, loona xoohin lahaa nabada iyo xasiloonida bulsahda.