Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland,ayaa shahaado Sharaf guddoonsiiyay guddoomiyaha gobolka Sanaag

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shahaado Sharaf guddoonsiiyay guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse (Axmed Isdabar).

Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in uu shahaado sharaftan ku mutaystay nabadeynta beelaha walaalaha ah ee gobolka Sanaag, taas oo marar kala duwan oo la isku dayay in nabadgelyo la dhex dhigo beelahaasi aan si dhab ah u hirgelin, balse guddoomiyahani ku guulaystay, xidhista nabada beelahaasi.

Munaasibada lagu guddoonsiinayay shahaado sharafta oo ka dhacday xafiiska guddoomiyaha golaha guurtida ayaa ku ammaanay guddoomiye Axmed Cabdi Muuse, in uu markasta ka shaqeeyo xasilinta nabadgelyada iyo horumarinta gobolka Sanaag, isla markaana uu golaha kala shaqeeyo arrimaha nabadeynta.