Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa uu ku eedeeyey in ay ka gaabiso damin shaqaaqooyinka beelaha u dhexeeya ee deegaanada Beriga

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa walaac ka muujiyey gaabis uu sheegay inuu ku jiro daminta shaqaaqooyinka beelaha u dhexeeya ee deegaanada bariga dalka ka taagan, waxana uu tilmaamay in dardargelintooda loo baahan yahay.

Guddoomiye Saleebaan oo xarunta Aqalka Guurtida saxaafadda kula hadlay, ayaa carrabka ku adkeeyeyย  inaanay dhammaanin shaqaaqooyinkii deegaanada Ceel af-weyn iyo Dharkgeyn-geenyo, waxana uu hoos u dhigay gurmadka dhexdhexaadinta ah ee laga galay, waxaanu yidhi mar uu ka hadlayey arrintaas:

โ€œShaqaaqooyinkii beelaha qaar ka dhex dhacay, lama dhex gelin, welina ma dhamaystirmin, shaqaaqadii hore ee dharkayn-geenyo weli ma dhamaystirmin, tii labada beelood ee Ceel Af-weyn-na waxana filayaa inay degmadaba iskala baxeen, laakiin waa tii dawladdu dhexgashay, waxana ay ila tahay inaanay wakhtigeedii ku dhammaanayn.”

Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadalkiisa sii wata, ayaa shaaciyey in bulshadu wacyigelin badan uga baahan tahay doorashooyinka horraanta sanadka soo socda qorshaysan, waxaanu yidhi:

โ€œWasiirradiina doorashadii madaxtooyada oo bisha March qorshaysanina u diyaargarow iyo wacyigelin bay u baahan tahay.โ€

Inkasta oo uu guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan quudhsaday gurmadka xukuumaddu ka gashay daminta shaqaaqada beelaha deegaanada Ceel af-weyn iyo Dharkeyn-geenyo, haddana waxa xusid mudan inay weli colaadaha beelaha dhexdooda ka dhacayey muddooyinkii ugu dambeeyey ay gebi ahaanba ka maqnayd doorkii golaha guurtida oo ujeedooyinka loo aasaasay ay arrimahani kaw ka yihiin.

Xigasho Hubaal Media.

bandhige@gmail.com