Madaxweyne Siilaanyo waxa uu la kulmay Raysal-wasaraha Itoobiya

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa waxa uu shalay kulan la qaatay Raiisal-Wasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn waxayna ka wada hadleen xidhiidhka qotada dheer leh ee u dhexeeya labada dal iyo arrimo khuseeya danaha labada dal.

Labada hoggaamiye waxay kulankan is weydaarsadeen aragti iyo araah la xidhiidha sidii loo sii xoojin lahaa loona wanaajin lahaa iskaashiga xagga Ganacsiga, Maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Labada hoggaamiye waxa kale oo ay ka wada hadleen tayaynta iyo dar-dargelinta jidadka labada dal isku-xidha iyo weliba horumarinta iyo casriyeynta Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, arrintanina ay labada dalba faa’iido ugu jirto; gaar ahaan dalka Itoobiya oo ay ka go’an tahay in Dekedda Berbera ay uga faa’iidaysato horumarinta iyo koboca dhaqaaleheeda iyo xidhiidhka Ganacsi ee ay Itoobiay la leedahay Caalamka.

Sidoo kale labada hoggaamiye waxa kale oo ay isu waafaqeen ka wada shaqaynta arrimaha Amniga iyo xasiloonida labada dal iyo la dagaallanka kooxaha arga-gaxisada ah ee mandaqda ka wada nabadgelyo darrada.

bandhige@gmail.com