Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee laba jeer muddo dhaafay ayaa waxa la shaaciyey wakhtiga uu is casilayo

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna musharaxa Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa waxa lagu dhawaaqay in uu maalinta beri ah ka tagi doon jagada Guddoomiye-nimada Golaha Wakiiladda oo uu hayey muddo 12 sanno ah.

Golaha wakiilada ee haatan hoggaaminayo Guddoomiye Cirro ayaa noqonaya Golaha sannado badan ku qaatay muddo kordhin, iyadoo haatanna la filayo in doorashadoodu dhici doonta 2019-ka.

Shir ay maanta yeesheen shirguddoonka Golaha wakiilada ayaa waxay isla gaadheen in maalinta Beri ah la isku yeesho xildhibaanada Baarlamaanka, halkaasi oo uu Guddoomiye ku dhawaaqi doono iscasilaadiisa.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa waxay Guddoomiye Cirro ku dhalliilay in uu wali ka mid yahay hoggaanka dalka oo dhalliilo ay u soo jeediyaan xubno ka mid ah xisbigiisa iyo siyaasiyiin kale.

Halkan hoose ka daaw muuqaalka warkan: 

 

bandhige@gmail.com