Xisbiga KULMIYE wuxu la Bulshadala wadaagay boob iyo dhac ay Dalka ka geysteen siyaasiyiin dhawaan ku biiray WADDANI 

 

Xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa jawaab cad ka bixiyey hadallo deelqaaf ah oo kasoo yeedhay xubno siyaasiyiin ah oo dhawaan ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaas oo weerarro aan loo meel dayin goobo fagaareyaal ah kaga qaaday xukuumadda KULMIYE.

Af-hayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale soo bandhigay boogo qarsoon oo ay leeyihiin siyaasiyiinta dhawaan soo galka ku ah WADDANI iyo sida ay u boobeen hantida umadda waqtiyadii ay awoodaha ku lahaayeen xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo maray oo xilal kasoo qabteen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:

“Hadalladii ay dhawaan magaalada Allay-baday ka yidhaahdeen rag siyaasiyiin ah oo dhawaan ku biiray xisbiga WADDANI oo uu kamid ahaa Abiib Diiriye Nuur oo ka hadlay boob ay xukuumadda KULMIYE dabada ka riixayso iyo mid Berber aka dhacay, waxase xog dhaba ah in haddii dhac jiro inuu Abiib qayb weyn ka yahay, Bankii Wajaale oo madaxweynihii hore ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal arrin qaran loo daayo uu qayb goostay oo ay xukuumadda KULMIYE lacag kaga furfurtay, waxana hubaal ah inuu Abiib yahay ninkii ugu horreeyey ee gurigii dawladda ee uu ku jirey iibiya, waxana weheliya dhulka Berbera ee uu ku hadlayo inuu yahay qofka dhulka ugu ballaadhan ku leh, naftaada xisaabi inta aanad dadka kale xisaabin.”

Af-hayeen Gaafaadhi oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray:

“Abiib waxa uu kamid ahaa dadkii ugu horreeyey ee xilalka ka qabtay dawladihii kala dambeeyey ee Somaliland ka dhashay ilaa tan maanta ee KULMIYE, wax allaale wixii uu xukuumad walba kaga tegayna way qoran tahay oo waxa ay noqonaysaa in shacabka lala wadaago, haddii uu is difaacayona waxa uu furan inuu dadweyne ka dhegaysta doodiisa ka dhegaysta hor yimaaddo oo uu ka jawaabo su’aalaha laga weydiiyo iyo wixii uu ku suntanaa.”

Xasan Maxamed Gaafaadhi waxa uu sidoo kale bulshada xusuusiyey iimaha qarsoon ee uu leeyahay Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan ooh ore xil wasiirnimo uga soo qabtay xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo badka soo dhigay boob laxaad leh oo uu waqtigaas u geystay hantida umadda, waxana uu yidhi:

“Ismaaciil Aadan Cismaan-na muddo badan buu waddanka xilal kasoo qabtay, waxana uu katirsan yahay dadka ugu dhulka badan Hargeysa ilaa Wajaale, dhulkaasina waa mid uu ku helay isaga oo adeegsanaya maamulkii xukuumiga ahaa iyo xilkii xukuumiga ahaa ee uu hayey, waxana hubaal ah inay maxkamadaha maalin walba cid iskula jiraan oo dhulalkaas la isku haysta, waxana hubaal ah inay jiraan waxyaabo badan oo ku aaddan intii uu xilka hayey inay jiraan, isagana waxanu ugu baaqaynaa inuu dadweynaha hor yimaaddo oo uu ka jawaabo su’aalaha ku saabsan muddo-xilkeelkiisii iyo wixii taariikhdiisu ay ahayd.”

Af-hayeenku waxa uu si mug leh u sharraxay sida guddoomiye Muuse Biixi xog-ogaalka ugu yahay xaaladda dalka iyo midda dadkaba iyo sida uu aqoonta durugsan ugu leeyahay siyaasiyiinta reer Somaliland ee hunguriga siyaasadeed ku jiro, waxana uu tilmaamay in kuwa maanta dhinaca WADDANI u yaacay aanay wax milgo ah ku dhex lahayn bulshada, waxaanu ka mid ahaa hadaladiisii:

“Muuse Biixi waxa uu hayaa faylal badan intii xukuumad Somaliland jirteyna qofkasta oo xil qabtay wuu usoo taagnaa, qof walibana waxa uu ku suntan yahay wuu hayaa, cidda maanta ugu badan ee xisbiga WADDANI gashayna waa cid aan Muuse agtiisa meel ku lahayn oo uu faylashooda hayo oo aan haysanin waji ay la hor timaaddo, haddii guddoomiyaha WADDANI cid xisaabinayona waxa ay ahayd inuu kuwaas usoo galay kaga bilaabo oo ciddii mad-madow galo halkaas ay joogaan kula xisaabtamo oo aanu la sugin inta uu kursiga gaadhayo.”

Dhinaca kalena waxa uu Afhayeen Xasan Gaafaadhi deedafeeyey hadallo kasoo yeedhay dhiggiisa xisbiga WADDANI Md. Ibraahim Mahdi Buubaa, kaas oo majaro-habaabiyey weedho uu guddoomiye Muuse Biixi Cabdi su’aal ku geliyey maqnaanshihii guddoomiyaha WADDANI ee madashii lagu daaf-furayey qorshaha labaad ee horumarinta qaranka, waxana uu sheegay inaanay milgaha KULMIYE ahayn inay jawaabo ka bixiyaan hadallada deelqaafka ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:

“Beryahan waxa uu xisbiga WADDANI waday eedaymo ka dhan ah xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay ka mid yihiin afhayeenka xisbiga WADDANI oo si toos ah hadallo deelqaaf ah oo wax allaale iyo wax uu u daliishanayaa aanay jirin ku weeraray guddoomiyaha KULMIYE, annaguse aflegaadooyinkaas waxanu u qaadanaynaa kuwo ka yimi guddoomiye Cirro, ugana jawaabi mayno oo kuma metelo guddoomiyahayga iyo xisbigayaga midna inaan aflegaaddooyin gudbiyo oo aan mushtamaca u gudbiyo.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com