Qadar waxay cabasho ka dhan ah Xulufada Sacuudiga u gudbiyeen Ururka Ganacsiga Adduunka

 

Qadar ayaa Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO u gudbisay dacwad ka dhan ah saddex ka mid ah afarta dal ee Carbeed ee dalkaas xidhiidhak u jaray bishii June, iyaga oo ku eedeynaya in uu taageero argagixisada.

Dacwadan ayaa ku baaqeysa wada-hadallo ay Qadar la yeelato dalalka Sacuudiga, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta, taasi oo billaabeysa muddo lixdan maalmood ah oo dalalkan ay ku xaliyaan xiisadooda, ama ay wajahaan ganaaxyo.

Saddexdan dal iyo Masar ayaa xidhiidhka diblomaasiyeed u jaray, iyaga oo Qadar ka xidhay xuduudahooda dhulka iyo hawada 5-tii June, sababo la xidhiidha in ay taageerto xagjiriinta.

Qadar ayaa beenisay in ay tagaeerto argagixisada, waxaana ay sidoo kale ku gacan seydhay diiwaan dalabyo ah oo ay afartan dal u soo jeediyeen, si Qadar ay uga qaadaan cunaqabataynta.

Dacwada Qadar, ayaa waxaan ku jirin dalka Masar, hase yeeshee waxa ay saddexdan dal ee kale ay ku eedeysay in ay ku kacayaan xadgudubyo dhinaca ganacsiga ah, islamarkaana ficilladooda ay saameeyeen kaliya Qadar, balse sidoo kale dalalka kale ee ganacsiga uu kala dhaxeeyo Qadar.

bandhige@gmail.com