Jabuuti waxay noqotay dalkii koobaad ee uu Shiinuhu ku yeesho saldhig milatari

 

Shiinuhu waxa uu maanta si rasmi ah uga furay saldhig miltari dalka Jabuuti, kaas oo ah kii ugu horreeyay uu dalkaasi ka dhisto dibedda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Shiinaha ayaa billaabay dhismaha saldhigan sannadkii la soo dhaafay.

Shiinaha ayaa sheegay in saldhigaas uu gacan ka gaysan doono nabad ilaalinta iyo gargaarka bani’aadannimo ee Afrika iyo Galbeedka Eeshiya.

Waxaa kale oo saldhigaas loo adeegsan doonaa is kaashi milatari, dhoolatuska ciidammada badda iyo hawlaha samato-bixinta, sida ay ku warrantay Xinhua oo ah wakaaladda wararka ee Shiinaha.

Waxaa la sheegay in saldhiga Jabuuti uu ka dhashay wadahadallo saaxiibtinimo oo dhexmaray labada dal. Warar hordhaca ahi waxay sheegayaan in dhismaha saldhigu uu billawday sannadkii hore.

Waa markii ugu horreysay oo Shiinuhu uu saldhig milatari ka sameysto dalka ka baxsan waddankiisa.

Inkastoo Jabuuti uu yahay dal yar, waxaa haddana saldhig milatari hore waxa saldhigyo ugu lahaa Maraykanka, Japan iyo Faransiiska.

Dalal badan ayaa danaynaya Jabuuti iyaga oo ugu xilanaya in ay ku taallo marin aad mashquul u ah oo ay maraakiibtu adeegsadaan iyo in uu dalkaasi yahay mid dagan oo ku yaalla gobol aan xasiloonayn.

bandhige@gmail.com