Doorasho guud ayaa Salaasadda 08/08 loo dareeri doonaa dalka Kiiniya. Madaxweyne iyo ku xigeen kaliya la dooraan maayee, dadka reer Kiiniya waxa kale oo ay u codayn doonaan shan kursi doorasho oo kala ah : 1) xubin baarlamaan, (2) xubin aqalka sare ah, (3) badhasaab, (4) xubin golaha deegaanka ah iyo (5) wakiilka haweenka.
Labada musharax ee ugu cadcad, madaxweynaha xilka haya Uhuru Kenyatta oo ka socda isbahaysiga Jubilee iyo Raysal Wasaarihii hore Raila Odinga oo sita tigidhka isbahagsiga NASA ayaa la filayaa in tartan fool-adagi dhex maro. Lama saadaalin karo sida xaal noqon karo waayo mid kastaaba wuxuu taageero laxaad leh ka helayaa reerkiisa iyo reero kale oo xulafo siyaasadeed ay yihiin. Taariikh ahaan, doorashooyinka Kiiniya ma turxaan la’ayn, dad badanina waxay xusuustaan rabshadihii dhiiga badani ku daatay ka dib doorashaddii muranku ka dhashay ee Diisanbar 2007. Waxa kale oo arrinka sii dacaraynaya loolan siyaasadeed soo jireen ah oo u dhexeeya labada qoys ee ay labadan nin ka soo kala jeedaan iyo labadooda beelood oo gar iyo gardarroba ku kala daba safan. Ku darsoo hoggaamiyaha mucaaridku waa nin waayeel ah (72 jir), saddex jeer oo horena jagada madaxweyne isku soo taagay, in la boobayna tirsanaya.
Dareen Taban
Dareen taban oo cabsi leh ayaa jira, waxana laga werwersan yahay in dalku si nabad ah uga gudbi doono marxladda doorasho. Dadku waxay iswaydiinayaan in dalku u socdo jiho qaldan iyo in kale. Cabasho iyo eedayn soo noqnoqatay ayaa jirta oo ka imanaysa dhinaca mucaaridka. Waxay ka dardaar warinayaan in xukuumaddu boob iyo ku shubasho qorshaynayso iyada oo adeegsanaysa ciidamadda. Madaxweynaha iyo xisbigiisa ayaa iyaguna isbahaysiga mucaaridka ku eedaynaya inay wadaan iska horkeen iyo kala qoqob bulsho.
Sidoo kale waxa jira dhacdooyin hubaal la’aan ah, markay ugu yar yihiina dareen cabsi leh uun sii abuuraya. Waxa ka mid ah geeridii kadiska ahayd ee ku timi wasiirkii amniga Joseph Nkaissery oo bil ka hor maalinta codbixinta durruufo aan cadayn u geeriyooday. Geerida kale ee xaaladda sii cakirtay waa afduubka, jidhdilka iyo dilka loo geystay Chris Msando, mas’uulkii madaxda ka ahaa xogta codbixiyeyaasha. Xiisada ka dhalatay dilka sarkaalkani shaqada xasaasiga ah hayay wali way taagan tahay.
Barnaamij Siyaasadeed
Labada musharax ba waxay dagaal adag ugu jiraan sidii ay quluubta dadka u kasban lahaayeen. Madaxweyne Uhuru Kenyatta barnaamij siyaasadeedka uu gadayo waxa ugu mudan horumar uu ku doodayo in xukuumaddiisu ku talaabsatay mudaddii shanta sanno ahayd ee uu hoggaanka hayay. Waxa uu mar walba carrabka ku xajiyaa in xukuumaddiisu wax weyn ka bedeshay kaabayaasha-dhaqaale gaar ahaan waddooyinka. Wuxuu tilmaamay inuu dhisay 7,000 km oo jidad laami ah iyo khad tareen oo dhererkiisu yahay 472 KM, kaasi oo ku kacay hanti dhan 308 Milyan oo Doolar. Khadka tareen waxa dayn ku sii maalgaliyey shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha. Khadkan oo isku xidhaya Nayroobi iyo magaalo xeebeedka Mombasa ayuu madaxweynuhu ku doodayaa inuu kaalin mug leh ka qaadan doono koboca dhaqaale, isku socodka dadka iyo isku gudbinta bucsharadaha. Marsadda Mombasa oo qiyaasuhu sheegaan in maalin walba shan kun oo baabuur oo xamuul ah ka soo baxaan ayaa la filayaa in tareenku (qaybta alaabaha daabusha) sii adkayso isku gudbinta alaabaha.
Mucaaradku iyagu waxay balanqaadayaan helida maciishad jaban, isku filaansho xagga cuntadda ah, guriyeyn, shaqo abuur iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Waxay aaminsan yihiin in kharashka ku baxay khadka tareenka xukuumaddu si xoog leh hanti ugu lunsatay, lacagta la sheegay inay ku baxdayna xukuumaddu dulsaaran tahay. Waxa kale oo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ku eedaynayaan inay maamulka ku koobeen dad ka soo jeeda labadooda beelood. Mucaaradka laftooda dadka dhaliilaa waxay iyagana ku durayaan inay yihiin hoggaamiyayaal la soo bilikeediyey, kartidooda la jirabay, rajo badana aan laga qabin inay isbeddel weyn dhaliyaan.
Maamul-Baahinta
Dhinaca kale, tan iyo intii dastuurka cusub laga hirgaliyey dalka Kiiniya, waxa ka hanaqaaday dawladnimo hoosta ka soo aasaasantay. Maamul-baahinta iyo awoodsiinta 47 ka maamul-goboleed ayaa horseeday in khayraadka dalka- oo awal caasimadda uun lagu quudan jiray- ugu yaraan si baahsan dalka u gaadho. Taasi waxay horseeday in, markii u horeysay taariikhda Kiiniya, deegaamo badan oo kuwa Soomaaliduna ku jiraan mashaariic horumarineed oo la taaban karo laga hirgaliyey. Ceelal-biyood, waddooyin laami ah iyo korontada oo la gaadhsiiyey ayaa ugu mudan mashaariicda horumarineed ee laga hirgaliyey gobolka Soomaalidu degto eeย Waqooyi Barri Kiiniya.
Nidaamka Maamul-Baahinta ee ka hirgalay Kiiniya, waxa uu awood baahsan siinayaa dawlad-goboleedyada gaar ahaan dhinacyada qorshaynta, dakhli kobcinta iyo go’aan qaadashada ba. Dawladda dhexe ayuu dastuurka dalku ku waajibinayaa inay khayraadka dalka si loo siman yahay goboladda dalka ugu qaybiso. Dawlad-goboleed walba waxa looga qoondeeyaa dakhliga guud ee dalka dhaqaale dhan 15%. Dastuurka cusubi waxa kale oo uu soo kordhiyey sanduuq gaar ah oo loogu talagalay gobolada dib u dhacsan kaasi oo 0.5 % dakhliga guud ee dalka lagu shubo si guud ahaan degmooyinka iyo gobolada dalka la isku soo gaadhsiiiyo dhinacyada horumarka iyo adeegbixinta.
Inkasta oo geedigani aanu qaxar la’ayn, dadka dhaliilaana ay ku doodaan inuu hoos u daadejiyey musuqii oo ilaa heer hoose oo tuullo gaadhsiiyey, haddanna waxa jira muwaafaqo guud oo ah in deegaamadu mahadiyeen, ka jawaabista baahiyahooga aasaasiga ahna iyagu go’aan ka qaataan.
Adeegyadda Bulshada
Maamulada kala heerka ah ayaa u xilsaaran bixinta adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo basrinta qashinka. Ha yeeshee, waxa caado noqotay in mar walba adeegyadani ay curyaamiyaan is afgarasho waa soo kala dhex gasha dawlad-goboleedka ama dawladda dhexe iyo ururada shaqaalaha. La yaab maaha inaad sanadkiiba dhawr jeer aragto shaqo joojin ay sameeyaan macallimiintu, dhakhaatiirtu ama kalkaaliyayaasha caafimaad. Loolan muddo dheer soo taagnaa, dhawr jeerna maxkamado kala duwani xukuno kala duwan ku rideen, ayaa aakhirkii macalimiinta dalka loogu ogolaaday mishahar wanaagsan. Sidoo kale, isafgarad kale oo dhex maray dawladda iyo dhakhaatiirta ayaa dhakhtarka cusub ee hadda shaqada soo galay u ogolaanaya mishahar bilaw ah oo baahidiisa dabooli kara.
Dhinaca kale, caafimaadku inta badan waa lacag, isbitaallada dawliga ahina ma ku filna inay daboolaan baahida caafimaad ee guud ahaan dadweynaha. Sidaa darteed, qariib maaha inaad masaajid aad ku tukanaysay ka maqasho qaadhaan loo ururinayo mayd isbitaal loogu haysto lacagtii lagu daweeyey.
Amniga
Tan iyo intii Kiiniya u dirtay ciimadadeeda dalka Soomaaliya, guud ahaan xaaladda amnigu way dabacday. Weeraro soo noqnoqday ayaa mar walba laga soo wariyaa gobolada ku teedsan xadka Soomaalida. Dhacdooyin waaweyn oo raad qoto dheer ka tagay ayaa jira oo wali maskaxda dadka aan ka bixin. Weerarkii lagu qaaday xarunta dukaamaysiga ee West Gate Sebtember 2013-kii ayaa ka mid ah, halkaasi oo lixdameeyo qof ay ku naf waayeen. Weerarkii kale ee Jaamacadda Gaarisa la la beegsaday Abriil 2015 ayaa isna mahadho reebay. Ku dhawaad 150 arday u badan iyo dhawr macalin ayaa ku qudhbeelay. Dhinaca xeebta, muddo marka la joogaba weeraro iyo dilal ayaa laga soo sheegaa. Dadka xeebta degan ayaa sida muuqata ku kacsan xukuumadda, caddaalad darro soo jireen ah na tirsanaya. Sidoo kale dagaal qabiileedyo dhiig ku daato ayaa muddo marka la joogaba mar laga soo wariyaa qowmiyadaha dalka ku wada nool.
Danbiyada abaabulani waa wax caan ah oo aad moodo in dadweynuhu iskala qabsadeen. Tuugadda iyo dhacu nolol-maalmeedka dadka reer Nayroobi inay la falgaleen ayay u muuqdaan. Hayโadaha ammaanka gaar ahaan bilayska iyo maxkamahada oo musuq dishooday kiisaskana kaasheeya ayaa loo sibirsaaraa mushkiladani gaamurtay.
Musuqa
Dalka Kiiniya waxa lagu tilmaamaa in musuqu uu figtaasi marayo, nolosha dadkana aad ula falgalay. Waa wax iska caadi ah in mar walba fadeexad cusub la soo faqo oo warbaahinta muddo lagu qaadaa dhigo. Ha yeeshee, cid kiisaskaasi musuq lagu maxkamadeeyaa ama talaabo cad laga qaataa way yar tahay. Waxaad moodaa dagaalka musuqa lagu la jiraa inaanu afka baarkiisa dhaafsanayn. In kasta oo ay jirto guddi madax banaan oo loogu talagalay inay la dagaalamaan musuqa, haddanna taasi wali wado dheer ayaa ka horaysa.
Faalladan waxa diyaariyey Bahda Bandhige ee Nairobi.
Bandhige@gmail.com