Ururka Midnimo waxay kulan ciyaareed xiiso badan oo lagu xoojinaayo is-dhexgalka dhallinyarada ku qabteen Burco

 

Guddida Midnimo oo ah Gole ka shaqeeya Isku xidhka iyo midaynta Bulshada Gobolka Togdheer iyo guud ahaan Gobolada Bariga Somaliland ayaa Kulan Ciyareed Koob (Cup) ah ku qabtay Magaalada Burco gaar ahaan Garoonka Kubada Cagta ee Nageeye, Kulan Ciyareedkani oo ay Fooda isku dareen Kooxaha FC-Bayl iyo sidoo kale Kooxda FC-Afgooye waxaana ujeedadu ahayd isdhex galka iyo midaynta Bulshada Reer Burco gaar ahaan beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco oo ay  Gudidani si gaar ah uga shaqeyso.

Ciyaartani oo ahayd mid xamaasad badan isla markaasina xiiso gaar ah u samaynaysay dadkii kala duwanaa ee Goobjooga u ahaa daawashada ciyaarta ayaa waxa Ugu horeyntii munaasibadaasi hadalo ka soo jeediyey Cali Ibraahim Jaamac (C.Baqdaadi) oo ah Gudoomiye ku xigeenka ururka midnimo waxaana uu ka sheekeeyey Muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo midaynta iyo idhex galinta Bulshada Burco yar iyo weynba waxaana isaga oo ka hadlaaya arimahaasi uu yidhi:

“Midnimo waa midnimo Somaliland, Waxa laga soo bilaabay oo shirkii ugu horeeyey lagu qabtay Magaalada London, kii labaadna waxa lagu qabtay Magaaladan Burco, kii sadexaadna waxa lagu qabtay magaalada Ceel-afweyn ka afaraadna insha allahu waxa lagu qaban doonaa Magaalada Ceerigaabo, Ururuka midnimo waxa uu u taagan yahay isdhexgalka Bulshada Somaliland, Bari iyo galbeed Gaar ahaan gobolada Bariga oo ka dambeeya dhinaca horumarka iyo dhinaca dhaqaalaha Gobolada galbeedka markaa waxa aanu ugu talo galnay in Reer Burco Gacmaha is-qabsadaan Reer Togdheer gacmaha is qabsadaan is dhex galaan wax wadda qabsadaan, Markaa maanta halkan waxaad ku aragtaan dhaliyaradii Gobolka Togdheer oo isdhexgashay oo gacmaha ishaysata oo aan bari iyo galbeed kala lahayn oo mid ah, Gobolada Dalka oo dhana waxaanu ka codsanaynaa in beelahu sida ay u wadda degaan ay isu dhex galaan oo gacmaha isu qabsadaan.”

Geesta Kale Furitaanka Ciyaartani koobka ah ee isdhexgalka iyo midaynta dhalinyarada Gobolka Togdheer ayaa waxa sidoo kale ka hadashay, Marwo Maryama Ifraax oo ah Xogahayaha Abaabulka iyo wacyigalinta ee Ururka midnimo, Waxaana ay ka warantay Dareenka iyo muhiimada ay leedahay madashani waxaana ay tidhi:

“Waxaan leeyahay isdhexgalku waa noloshiinii, Midnimadu waa dhiigiinii, Waxa dib idiinka reebay caalamka ee aad badaha isugu guraysaan ee aad shaqo u weydeen, ee waxa aad jeceshihiin oo dhan aad u gaadhi weydeen, waa midnimo la’aanta, hadaad midaysan tihiin aakhiro iyo aduunkaba meel wanaagsan ayaad ku dambaynaysaan, Togdheer waa wadnaha ama waxa la odhan karaa waa ubucda somaliland, waa meesha wanaaga lagaga dhaliyey waa meesha aynu somaliland ku helnay 60-sano ka hor, wanaag kasta oo ay somaliland gaadhaa waxa uu ka dhashaa gobolka togdheer, Laakiin kuma hakado taana waxa keentay midnimo la’aanta, Dhalinyarada iyo bulshada waxa aan leeyahay waad aragtaan ilayskee tashada.”

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Xubno kale oo ka tirsan Ururkaasi kuwaasi oo Dhamaantood tilmaamay Muhiimada ay leedahay Xoojinta iyo samaynta Midnimada Gobolka Togdheer.

Sidoo kale Xubno ku hadlaayey afka labadii kooxood ee Ciyaartu dhex martay ayaa iyaguna ka mahadceliyey arintani isdhexgalka ah waxaana ay sidoo kaleeto dhaliilo u soo jeediyeen wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo gabtay doorkii Ciyaaraha Gobolka Togdheer.

Intaasi ka dib waxa si rasmi ah u bilaabmantay ciyaartaasi oo ahayd mid xamaasad badan isla markaasina ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar wanaag ay ku doonayso in ay hanato koobkani midnimo, Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 Oo ay guusha koobki ku raacday Kooxda FC-Bayl ee Magaalada Burco ka dhisan waxaana halkaasi lagu gudoonsiiyey Koobkii iyo bilado ay mustaysteen labada kooxood ciyaartooyada ka socdaa.

Gabagabadii Gudoomiyaha midnimo ee G.Togdheer iyo gudoomiyaha garabka dhallinyarada midnimo ayaa iyaguna waxa ay hambalyeeyeen dhalinyarada Reer Togdheer ee Isku xidhka iyo ciyaar wanaaga Soo Bandhigay.

Ugu Dambayntii Ururka midnimo ayaa ah Ururu si weyn uga shaqeeya midaynta iyo isdhexgalka Bulshada Gobolka Togdheer guud ahaan, arintanina waxa ay noqonaysaa mid ku dayasho mudan isla markaasina meesha ka saaraysa waxyaalo badan oo lagu xaman jiray Bulshada Reer Burco.

bandhige@gmail.com