Siyaasi Cabdilaahi-Cirro waxa uu si rasmi ah u xaqiijiyey in uu ka tirsan xisbiga Waddani

 

Wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadii Daahir Rayaale Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tirsanyahay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Cabdillaahi-Cirro oo xalay uu wargeyska Geeska Afrika weydiiyay jiritaanka warar sheegaya inuu qaatay siyaasad ah inuu xisbiga Waddani ee mucaaradka ah ka mid noqdo, ayaa xaqiijiyay in uu ka tirsan yahay Waddani, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan xaqiijinayaa inaan ka tirsanahay xisbiga Waddani. Anigoo ah nin waayo arag ah oo wax badan u soo joogay markaan wax badan eegay ee aan dhinacyo badan ka eegay waxaan arkay in danta qaranku ku jirto xisbiga Waddani. Sidaas daraadeed anoo su’aashaada ka jawaabaya ‘Haa’ oo waxaan ka tirsanahay xisbiga Waddani.”

Cabdillaahi-cirro, wuxuu shacabka Somaliland ugu baaqay in aanay xisbiyada tartamaya ee saddexda ah ku kala dooran qabyaalad ee ay ku doortaan barnaamijyadooda siyaasadeed, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Xisbiyada waxa aynu u samaysanay inaynu kaga baxno qabyaaladda, sidaas daraadeed shacabku waa inay xisbiyada ku doortaan barmaamijyadooda oo aanay qabyaalad ku dooran. Xisbiyaduna waa inay ku ololeyaan siyaasad qaan gaadh ah oo bisil oo wanaag mooyee aan waxyeelo u gaysan qaranimada iyo amniga guud ee dalka.”

Cabdillaahi-Cirro oo ahaa wasiirkii Arrimaha Gudaha ee u dambeeyay ee Madaxweyne Rayaale ayaa ah siyaasi iyo khabiir amni oo aan looga baran inuu ka dhex muuqdo siyaasadaha maxaliga ah ee xisbiyada dalka ka jira, waana markii u horaysay ee tan iyo markii ay qabsoontay doorashadii 2010 lagu dhex arko isagoo xisbi ka tirsan.

Xigasho: Geeska Afrika.

bandhige@gmail.com