Guddoomiyaha Kulmiye iyo weftigiisii oo si diirran loogu soo dhaweeyey degmada Wajaale

 

Weftigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbul-xaakimka ahna murashaxa madaxweynenimo Muuse Biixi Cabdi oo muddo toddobaad ku siman ku maqnaa dalka Itoobiya ayaa barqadan maanta ku soo ku soo guryo noqday Somaliland isagoo ka soo tallaabay magaalo-xuduudeedda Wajaale una soo gudbay dhinaca Somaliland.

Dadweynaha magaalada Wajaale ayaa si weyn isugu soo baxay dariiqyada si ay u soo dhaweeyaan Guddoomiyaha iyadoo ay dadku isasoo buux dhaafiyeen goobtii uu ka khudbadaynayey isla markaana ay dusha ka fuuleen guryaha iyo dayrarka ku hareeraysan fagaaraha Dawladda Hoose ee Wajaale kadib markii la waayey meel la kala joogsado.

Waxa Guddoomiya Waajale kaga hor tagay kuna qaabilay maamulka degmada Wajaale oo ay weheliyaan Guddoomiye-Xigeenka Xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, Afhayeenka Xasan Gaafaadhi, Xoghayaha Guud Xasan Siciid, Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglotoosiye, Wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamed, Wasiirka Beeraha Maxamed Daahir, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda Maxamed Mixile, Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Deyr, Wasiir-Xigeenka Warshadaha Yuusuf Garas, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada Maxamed Cilmi iyo madax kale oo door ah.

Guddoomiye Muuse Biixi oo fagaaraha kala hadlay dadweynaha Wajaale ayaa ka mahadceliyey soo-dhaweynta diirran ee loo muujiyey iyo dadweynaha isugu soo baxay wuxuuna sheegay in ay dawladda Itoobiya deeqo waxbarasho oo dheeri ah siinayso Somaliland.

Afar wasiir oo ka tirsan maamulka Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa weftiga Kulmiye kala soo tallaabay xadka kuwaas oo uu afkooda ku hadlay Wasiirka Ganacsiga Mudane Mowliid isaga oo u ammaanay  dadweynaha degmada Wajaale soo dhawaynta ay u muujiyeen weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Kulmiye.

Dadweynaha Wajaale oo aan maanta u kala hadhin soo-dhawaynta weftiga Guddoomiyaha Kulmiye

Muuse Biixi ayaa muddadii uu Itoobiya ku sugnaa waxa qaabilay Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Xaylemaryam Deselegn. Weftiga Guddoomiyuhu waxay sidoo kale maalmo joogeen xarunta dawlad deegaanka Itoobiya ee Jigjiga isagoo Guddoomiye Muuse ka qayb-galay xuska maalinta ciidamada qaranka Itoobiya oo lagu qabtay magaalada Jigjiga iyadoo ay goobjoog ahaayeen Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya.

Weftiga ayaa la filayaa in duhurkan maanta uu u soo gudbo xarunta Gobolka Gabiley oo maamulka iyo dadweynuhu si weyn u sugayaan soo dhawayntiisa.

 

 

Bandhige@gmail.com