Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waa Madaxwaynihii 4-aad ee dalka Somaliland yeesho. Isaga iyo sadexdii Madaxwayne ee ka horeeyayba midba waxqabad culus oo dalka u yeeshay ayuu ku suntan yahay. Waa iga sal odhaahdani, balse igama aha halagaa sii sheego.
Madaxwaynihii 1-aad waxa uu ahaa Marxuum Cabdirahman Axmed Cali (Tuur). Waxa uu ku suntan yahay Madaxwaynihii dib xoraynta iyo isku soo celinta beelihii Somaliland ee lakala irdheeyay. Marxuum Cabdirahman Axmed Cali waxa uu kusoo hagaagay wakhti dalka aanu waxba ahayn oo uu eber ka bilaabay, isla markiibana dalku uu galay qaab qalalaase oo la dhagaysan waayay Madaxwaynihii, laguna shiday raran, halkii aynu ka shukri naqi lahayna aynu isku goodinay isla markaana is xasaradaynay inagoo qaab beelaysan wax u wadna . Madaxwayne Cabdiraxman Tuur ilaa xilka laga badalay waxa uu ku sugnaa Madaxtooyadii manuu odhanin “waar inagu kala kexeeya meesha” umadii la xasuuqayba laynama moodayn, taasoo ahayd sirta qiimaha u yeeshay marxuum Cabdirahman Tuur, inaguna aynu u aynay hadaynu nahay umada Somaliland. Marxuum Cabdirahman Axmed Cali (Tuur) wuxuu inoogu jiraa halka (George Washington) ugu jiro Maraykanka naxariistii Jano Alle ha siiyo.
Waxa ku xigay Madaxwaynihii 2-aad Marxuum Maxamed Xaji Ibrahi Cigaal. Waxa uu ku suntan yahay Madaxwaynihii Dastuurka haykalka Dawladnimo iyo guud ahaanba Qarnimada Somaliland, waxa uu sameyay :
Alkumida Ciidan Qaran oo uu ka sameeyay Jabhadii xoraynta dalka horseedka ka ahayd iyo maleeshiyooyinkii hubaysnaa beelaha kale ee Somaliland. Wuxu hirgaliyay mucjisadii hub ka dhigista qaybihii tirada badnaa ee sita hubka ee dalka ku baahsanaa. Wuxuu sameeyay dib u heshiisiintii umada is farasaartay, oo hadaanu taas qaban lahayn laga yaabi lahaa inaynu noqon lahayn sida koonfurta Sudan ay maanta tahay. Wuxuu furdaamiyay daydaygii arxanka darnaa, wuxuu tirtiray jidad gooyadii iyo budhcadyantii beelaysnayd ee laba km laysku mari waayay. Dadbadan oo Somali ahi waxa yidhaahdaan inuu marxuum Cigaal ahaa mid kamida xubnihii ugu siyaasi sanaa ee Somali ka dhashay. Haddii aynu garabka la qaban lahayn wax qabadkii Madaxwayne Cigaal, waxa hubanti ah in intaa uu soo qabtay iyo wax ka badan ba inuu fulin lahaa, ama uu ugu yaraan uu inaga nabad gali lahaa. “Godka lagu jannee, Geesi naga dhashoo, Guul dhashuu ahaa”
Madaxwaynihii 3-aad Mudane Dahir Rayale Kahin, wuxuu ku suntan yahay Madaxwaynihii hirgeliinta Dimuqraadiyada dalka. Madaxwayne Dahir Rayale waxa uu gaashaanka u daruuray mucaaridnimadii uu hogaaminayay Madaxwaynaha talada haya ee Axmed Mahamed Silaanyo oo lahaa taageero tiro badan oo sida daadka ah, oo ka waynayd wax loo adkaysto, iyo Mucaaradadii kale ee uu hogaaminayay Mudane Faysal Cali Waraabe, oo kala ahaa Kulmiye iyo UCID. Mudane Dahir Rayale wuu la tartamay kuna guulaystay mar labaad hogaankii dalka. Waxa loo tiriyaa Madaxwayne Dahir Rayale hogaamiye dulqaad lahaa oo aan dhag jalaq u siin dad badan oo dalkeena ah oo lagu xanto inay leeyihiin uursamaan balse laga af wanaagsan yahay.
” Ninkii hadlaaba hayska hadlee waa lagaa hadhay”
Madaxwaynaha 4-aad, Madaxwaynaha talada dalka haya ee Axmed Mahamed Silaanyo. Wuxuu ku suntan yahay inuu yahay Madaxwaynihii dib u dejinta, dib u dhiska, dib u habaynta iyo horumarka. Wuxuu kartidiisa ku badalay iyo hal abuurkiisa wajigii dalka, isagoo ka dhigay dal iftiimaya oo isu badalay hannaan togan. Wuxuu si fiican u qabtay Madaxwayne Axmed Silaanyo qori isku dhiibkii Madaxwaynayaashii ka horeeyay, isagoo ololaya oo la ordayana uu sido. Waxana maanta inaga dhiman wax wayn oo la taaban karo waa ictiraafka Siyaasiga ah (de jure recognition) balse aan haysano ictiraafka Jirintaanka (de facto recognition) inta uu hore usoo qabtay maahee waxaan ka sugaynaa Madaxwaynaha inuu ka tago dhaxal door ah kana mid yihiin:
B. Warshadii sibidhka oo dib loo kiciyay
T. Hirgelinta sahanka Shidaalka iyo Macdanaha kale ee dalka ku jira
J. Dhamaystirka wadada Burco-Ceerigaabo
X. Biyo galinta Magaalooyinka oo ay u horayso Caasimadu
Kh. Qori isku dhiibkana u dhiibo Madaxwayanaha 5-aad ee dalku yeelan doono.
Malahayga sirta ugu wayn ee dhaxalka Madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo uu inoo dhaafayo waxa weeye ku dhiirashada Wadahadalada uu la furay Somalia, oo inkastoo dadka qaar ka anfariireen oo noqon doonta mid taariikhiya oo hadii reer Muqdisho ay ka caga taaleeyaan wada hadalada siday imika yeelaan ay beesha caalamku markhaati ka noqon doonto. Hadday ka qayb galaana ku gabogaboobi doona garawsiga qadiyada Somaliland iyo go’aankii umada dalku ugu codeeyeen dastuurka Somaliland in kabada 97%
“Aday sabi iyo haween intay kuu saro kaceen, aday ku salaamayaan, salaamayaan”
Hadaba waxaan soo jeedin lahaa inaan feedha la qabano hindisayaasha hogaamineed ee Madaxwaynaha si uu u dhiirado wax qabadkiisuna u siyaado, dalkeenana dhaxal badana uu u reebo. Wixii farsamo mucaaradnimo aynu haynana, siduu Faysal Cali Waraabe sheegay aynu la sugno Farmaajaha Xamar.
Qoraalkaygan waxa i xasuusiyay maanta oo ah 14 February, 2017 oo ah sanad guuradii koowaad maalintii Madaxwaynuhu ii magacaabay Af-Hayeenka Madaxtooyada JSL, hadana uu ii badalay xilka mid kamida Lataliyayaashiisa.
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Cabdiraxmaan Sh Cilmi Fahiye “Shamax”