Ruuushku waxay beeniyeen in ay wax xidhiiidh ah ku lahaayeen ololihii Trump

 

Ruushka ayaa maanta beeniyey warbixin uu daabacay wargeyska New York Times oo ku saabsan in xubno ka tirsanaa ololaha madaxweyne Donald Trump ay xidhiidh la lahaayeen sirdoonka Ruushka, ka hor doorashadii Maraykanka ee November sannadkii hore.

New York Times ayaa soo xigatay afar saraakiil hore oo sheegay in sirdoonka Maraykanka ay dhageysteen wada sheekeysi taleefon oo ay ku lug lahaayeen madaxii hore ee ololaha Trump Paul Manafort iyo xubno kale.

Manafort ayaa beeniyey in ay jiraan wada sheekeysiydan, sida ay ku warrantay The Times.

Waxa uu sidoo kale beeniyey warbixin kale oo ay baahisay CNN oo ay ku sheegtay in Manafort iyo la-taliyihii amniga qaranka Trump ee is-casilay Michael Flynn ay xidhiidh toos ah la sameeyeen dad Ruush ah.

Afhayeenka madaxweynaha Ruushka Dmitry Peskov ayaa sheegay in warbixintani aysan wax xaqiiq ah ku fadhin, halka warbaahinta Ruushka ay sirdoonka dalkaas kasoo xigteen in xidhiidhka la sheegay uu yahay mid aan sal lahayn.

Flynn ayaa is-casilay Isniintii kadib markii la ogaaday in uu la hadlay safiirka Ruushka Sergey Kislyak, ka hor inta aan la caleemo saarin madaxweyne Trump.

bandhige@gmail.com