Guddoomiyaha Kulmiye oo u hambalyeeyey bulshada reer Somaliland iyo Muslimiinta caalamka munaasibadda Ciidal-Adxa awgeed

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu hambalyo u diray bulsho weynta Muslimiinta munaasibada Ciidal-Adxada awgeed gaar bulshada reer Somaliland.

War-saxaafadeed uu soo xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu dhignaa sidan:

Ujeeddo: Hambalyada Guddoomiyaha ee Ciidal Adxa

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Islaamka ee daafaha dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda Ciidal Adxa awgeed ee sannadka hijriga 1436.

Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay ka baryayaa in uu munaasibadda Ciidal Adxa ee sannadkan kiisa kale innagu gaadhsiiyo caafimaad, barwaaqo iyo amni buuxa.

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu leeyahay shacabka Ciid-Mubaarik, kullu Caam wa-antum bikhayr.

Aamiin              Aamiin

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga Kulmiye.

bandhige@gmail.com