Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu la kulmay La-taliyaha Isuwadaha hay’adda Qaramada Midoobay

????????????????????????????????????

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha Isu-duwidda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Xafiiska Isu-duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland Gavin Roy maanta.

Kulankan oo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi ay ku wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo Afhayeenka xisbiga Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxay Gavin Roy ka wadahadleen xaaladda guud ee Somaliland iyo xoojinta wadashaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu xog-warran ka siiyey masuulkan xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan abaarta iyo halkay marayso oo uu sheegay inay gaadhay meel adag oo xooluhu ay aad u dhimanayaan, halka dadkuna u baahan yahay gurmad cunto iyo biyo lagu badbaadiyo nafahooda, sidaas darteedna Qaramada Midoobay looga fadhiyo inay gacan ka gaysato gurmadkaasi socda.

Madaxda xisbigu waxay tilmaameen in dad badan oo abaartu barokicisay oo xoolihii ka baxeen diyaar u yihiin sidii loogu celin lahaa deegaannadii ay markii hore ka guureen, taasina ay u baahan tahay inay helaan gaadiid ay ku guuraan oo loogu qaybiyo deegaannadii ay hore ugu noolaayeen, kadibna halkaas lagu taro wixii lagu caawinayo, isla markaana aanay habboonayn in la sameeyo xeryo waawayn oo la isugu geeyo dadka si looga hortago xannuuno dhasha iyo xaaluf hor leh oo ku yimaada deegaanka.

Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu u soo jeediyey Qaramada Midoobay in qaadhaanka ay siinayso Somaliland kor loo qaado, laguna saleeyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sanno ee Somaliland.

Waxa kale oo uu ka dalbaday masuulkan in tixgelin la siiyo aqoonyahanka iyo dhallinyarada Somaliland ee shaqada ka qaban kara hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala dalka oo aan dad kale oo ajaanib ah dibadda lagaga keenin.

Dhankiisa, La-taliyaha Isu-duwidda hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland Gavin Roy waxa uu ku qancay qodobada iyo doodaha ay kala hadleen madaxda xisbiga Kulmiye. Waxaannu xusay in ay diyaar u yihiin taageero ay ka gaystaan gurmadka abaarta, isla markaana ay sugayaan qiimaynta xaaladda abaarta oo warbixinteeda xukuumaddu soo saari doonto toddobaadkan dhammaadkiisa.

Waxa kale oo uu soo jeediyey in xidhiidh joogto ah laga wadayeesho wax allaale iyo wixii mucaawanooyin abaarta ku wajahan si looga hortago in dheeli ku yimaado habsami-u-qaybinta taakulada dadka jilicsan.

Guud ahaan kulankaasi waxa uu ku dhammaaday afgarad iyo joogtayda xidhiidhka wadashaqayneed oo loo ballamay.

bandhige@gmail.com