Guddoomiyaha KULMIYE wuxu ka qaybgalay daah-furka qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha ee Gobolka Awdal

 

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay daah-furka qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Awdal.

Xaflad ballaadhan oo ka dhacday huteelka Rays ee magaalada Boorama maanta oo ay ka qaybgaleen xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, madaxda axsaabta siyaasadda, wasiirro ka tirsan xukuumadda, madaxdhaqameed iyo shaqaalaha fulinaya hawsha qaybinta kaadhadhka codbixinta.

Guddoomiye Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xafladda waxa uu si qoto dheer oo bisayl siyaasadeed iyo aragti qumman leh ku salaysan ugaga hadlay hannaanka doorashooyinka, dimuqraadiyadda, faa’iidooyinkeeda iyo caqabadaha soo wajaha iyo xalka mar walba lagaga bixi karo.

Halkan hoose ka daawo muuqaalkan warkan:

bandhige@gmail.com